Kismaayo(PP):Xoolo dhaqato iyo koox katirsan Alshabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Warguduudo oo ka tirsan degmada Ceelwaaq oo Dhanka bari 70km ka xigta.
Wararka uu helayo Puntlandtodaya ayaa sheegaya in dagaalku sababay markii kooxda Alshabaab ay dadka deegaanka waydiisteen xoolo lagu sheegay Sako, islamarkaana ay diideen Xoola dhaqato,kadibna waxaa halkaas Saaka ka bilowday dagaal udhaxeeya dadka Reer guuraaga ah iyo kooxda Alshabaab.
Dadka deegaanka oo la hadlay Puntlandtodaya ayaa tilmaamay in labo ruux ay ku dhinteen dagaalka,oo ay ku sheegeen inay ahaayeen Alshabaab,walow aysan Alshabaab ka hadlin.
Inta badan Ashabaab deegaanada ay ka joogaan deegaanada Jubbaland waxay ka qaadaanxoolo lagu sheege Sako,waxaana arintaasi kala dagaalamay Ciidamada Maamulka Jubbaland oo sheegay inay ka hortagayaan xoolaha shabaabku ka qaadayaan Reer guuraaga.
Puntandpost.com