Gaalkacyo(PP):Ra’iiusl wasaaraha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake oo maanta dhex dhexaadiye ka ahaa heshiiskay gaareen labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ayaa labada dhinac ku adkeeyey inay hirgaliyaan heshiiska isamarkaana dib aysan usoo noqon colaad dambe.
Waxaa uu sheegay in dadkii dhintay loo duceeyo, balse aan dhiig dambe loo daadin,ciidamadana lakala qaado oo lageeyo mid walba meeshu joogay markii hore.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo laga dhaxlay inuu istaago hormar badan oo latiigsanayey, sidaa darteedna aan loo baahnayn inuu sii socdo, oo cidkasta ka qayb qaadato sidii Gaalkacyo nabada loogu soo celin lahaa.
Sharma’ake ayaa u mahad celiyey labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug siday uqaateen heshiiska nabadeed, isagoo intaa ku daray inay ka dhabeeyeen afarta qodob ee ay saxiixeen, islamarkaana laga wada shaqeeyo nabada galyada iyo daris wanaaga.
Iyadoo Maanta ay heshiis wada saxiixdeen labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaa wali kasocda Magaalada is rasaasayn udhaxaysa labada dhinac,Wakiilka urur goboleedka IGAD ee Somaaliya Maxamed Cabdi Afay ayaana ku baaqay in heshiiska maanta laga bilaabo oo Ciidamada lakala qaado.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Xasan Baashe.
Punlandpost.com.