Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda UN-HABITAT oo qaar ka mid ah degmooyinka PL ku tababartay maareynta Qashinka (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Hay’adda UN-HABITAT ayaa tababar socday mudo afar maalmood ah xarunta UN-ka ee Garowe ugu qabatay mamulka degmooyinka uu ka shaqeeyo barnaamijka JPLG Puntland, iyadoona uu tababarkan salka ku hayay maareynta Qashinka iyo sidii dhaqaale looga soo saari lahaa.

Sidoo kale tababarkan ayaa waxaa lagu marti qaaday qaar ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya qashinka ee deegaanada Puntland,waxana ahmiyadiisu tahay sidii nidaam loogu samayn lahaa qashinka isla markasna xumaantiisa faa’iido loogu badali lahaa.

Mudadda uu tababarka socday waxaa casharada siinayay masuuliyiinta ka socdey 7-degmo ee JPLG ka shaqeeyo qabiir ajanib ah oo ay Hay’addu keentay, wuxuna ku tababarayay habka ugu wanaagsan ee qashinka lacag looga soo saari karo, Khabiirkan ayaa sheegay nidaamkaasi in todobo qaab loo marayao taasoo ah in xaafadaha qashinka goob wanaagsan ku aruuriyaan, in gaadiid qashinka qaado oo daboolan la helo iyo in goobo cayimin loo sameyo oo aan qashinka la gubin.

Xiritaanka Tababarka ayaa waxaa ka hadlay madaxa UN-HABITAT Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Ow-Cismaan wuxuna sheegay in loo qabtay masuuliyiin ka socda degmooyinka uu barnaamijka JPLG ka shaqeeyo iyo shirkadaha qashinka, wuxuna sheegay muhiimadiisu inay tahay in maareyn wanaagsan loo sameeyo qashinka dareeraha iyo adkaha ee ka yimaada xaafadaha iyo goobaha caafimaadka, wuxuan kasoo qayb galayaasha ka codsaday inay macluumaadka ay halkan ka faa’iideen dib ugula laabtaan degmooyinkii ay ka yimaadaan isla markasna ku dabaqaan shaqooyinkooda sharciga kasoo saaraan si looga faa’iidaysto.

Duqa degmada Jariiban ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Shirwac oo ku hadlayay afka kasoo qayb galayaasha tababarka ayaa marka hore uga mahad celiyay Hay’adda UN-HABITAT tababarka ay u qabatay wuxuna sheegay inuusan horay aqoon uga haysan in qashinka laga dhalin karo dhaqaale ka badan kan lagu shaqeeyo hadda.

Shirwac waxa uu cadeeyay inay ku dhaqmi doonaan tilaabooyinka loo maaraynayo qahsinka iyo wadooyinka loo marayo, waxa uu sheegay masuulkan qashanka laga qaado magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo maalintii oo kaliya in laga soo saari karo 80-Birmiil oo shidaan ah taasoo la macne ah in bishii dhaqaale aad u badan laga helo karo qashinka haddii nidaam lagu maareeyo loo sameeyo,.

Dowladda Puntland ayuu Shirwac ka codsaday inay keenaan qalabka qashinka loogu shaqeeyo ee dhaqaalaha loogu badalayo si barnaamijkan uu u hirgalo sidoo kale waxa uu sheegay Shacabka in lagu wacyi galiyo qashinka in dhaqaale laga abuuri karo oo aan la gubin, iyadoona nidaamkani yahay mid ku cusub Puntland.

Hay’adda UN-HABITAT ayaa barnaamijkan sanadka cusub ee 2016 si tijaabo ah uga hirgalinaysa degmooyinka Garowe iyo Qardho iyadoona ay mamuli doonaan mamulka dowladaha hoose, haddii uu barnaamijkan guulaysana waxa guud ahaan la wada gaarsiinayaa degmooyinka Mandiqada.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>