Garowe(pp) Madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta hoygiisa magalada Garowe qado sharafeed ugu sameeyay wasiirkii hore ee addeega bulsahdda Soomaaliya Maama Maryan Qaasim oo Garowe u timi ka qayb galka kulanka CARMA ee Olalaha hooyada iyo cunigeeda.
Cabdiraxmaan Farole ayaa ku ammaanay Prof.Maryan Qaasim dadaalkeeda ku aadan bad baadinta hooyada uurka leh sidoo kale waxa uu sheegay inay tahay muwaadiniad wax muuqda dadkeeda iyo dalkeeda u qabatay.
Mama Maryan Qaasim ayaa ka mahad celisey soo dhawaynta uu Farole ugu sameeyay gurigiisa sidoo kale waxay sheegtay Puntland iyo shacabkeeda inay si wanaagsan ugu soo dhaweyeen magalada Garowe.
Haweenaydaan ayaa ka mid ahayd wasiiraddii xukumaddii hore ee Cabdiweli Shiikh Axmed, waxayna dadaal u gashay sidii carruurta waxbarasho la’aanta ah waxbarasho loogu heli lahaa.