Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland oo dhagax dhigtay Dhismo lagu kordhinaayo Dugsiga Xamdaan Boosaaso(sawiro)

$
0
0

Boosaaso(pp) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Dowladda Puntland Dr-Maxamed Cali Faarax ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal lagu darayo Dugsiga Xamdaan ee Magaalada Boosaso oo ka mid ah Dugsiyada hoostaga wasaaradda waxbrashada Puntland kaas oo kuyaala magaalada Boosaaso.

IMG_5847
Mashruucan dhismaha lagu kordhinayo dugsigaas waxaaa fulineysa Wasaaradda Waxbarashadda Dowladda Puntland oo gacan kaleysa Hay’adda Care oo inta badan ka shaqeysa Arimaha bulshada iyo waxbarashada.

IMG_5854

Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe ee Shiikh Xamdaan Cabdiqaadir Maxamed Qorax oo ugu horeyn goobta kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihin ugana mahadcelinayaan  wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Hay’ada Care oo fulinaya.

IMG_5861

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Dr-Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in dhismaha qeybtan cusub ee ay ku dareyso wasaaradda Dugsigan ay qeyb ka tahay Horumarinta wasaaraddu ku wado goob kasta oo waxbarasho, waxaana uu rajeeyay in sifiican looga faaiideysto dhismahan ayna noqoto mid wax ka bedesha bulshada reer Puntland.

Dr-Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa sidoo sheegay in waxa ugu muhiimsan ee qaybta ka qaata baahinta waxbarashada iyo in ardayda ay ku nagaadaan waxbarashada ay uu kamid tahay taynta goobaha waxbarashada

” waxa ugu mihiimsan ee waxbarashada baahinteeda qaybta ka qaatana waxaa weeye in la helo goobtii wax lagu dhigan lahaaa ,marka in ardayga helo meel wanaagsan ,fasalo wanaagsan , qalab wanaagsan oo uu wax ku barto , macalimiin wanaagsan , waxay qayb katahy in ardaydu ay siyaadaan , isla markaasna ay kunagaadaan waxbarashada ”

Gabagabadii Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Dr-Maxamed Cali Faarax ayaaa u mahadceliyay cid kasto oo gacan ka gaysatay dhismahan cusub ee lagu kordhinaayo dugsiga Shiikh Xamdaan oo ay ugu horeyso Hay’ada Care

IMG_5797   IMG_5801 IMG_5802 IMG_5805 IMG_5806 IMG_5807 IMG_5808 IMG_5809 IMG_5810 IMG_5811 IMG_5812 IMG_5813 IMG_5814 IMG_5815 IMG_5816 IMG_5817 IMG_5818 IMG_5820 IMG_5821 IMG_5822 IMG_5826 IMG_5827 IMG_5828 IMG_5829 IMG_5830 IMG_5831 IMG_5832 IMG_5833 IMG_5834 IMG_5836 IMG_5838 IMG_5839 IMG_5840 IMG_5842 IMG_5843 IMG_5845 IMG_5846 IMG_5847 IMG_5848 IMG_5849 IMG_5850 IMG_5851 IMG_5852 IMG_5854 IMG_5856 IMG_5857 IMG_5858 IMG_5859 IMG_5861 IMG_5863 IMG_5864 IMG_5865 IMG_5867 IMG_5870 IMG_5871 IMG_5872 IMG_5873 IMG_5874 IMG_5876 IMG_5877

 

Puntlandpost.com

Xafiiska Boosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>