Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dalxiiskii aan ku tagney Darayle- Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Darayle waa goob deegan beero leh oo ka baxsan magalada Garowe qiyaastii 10-KM dhinaca koonfureed kaga taal, Jimcadii shalay ayaa anagoo wariyaal iyo dhalinyaro kale isagu jirna waxaan ku tagney socod gaaban si aan hawo ka baxsan tan magalada uga helno.

Goobta waxaa maalin kasta oo Jimce ah ku kulma qoysas faro badan, dhalinyarada magalada iyo dumar si aad ah usoo labista kuwaasoo sawirro ku gala kuna soo wareega goobaha quruxda badan ee Darayle caanka ku tahay.

Beeraha ku yaala marka laga tago waxa kale Darayle dhinac mara toga weyn ee magalada kaasoo biyaha kasoo qaada ilaa iyo Burco, dhulka uu togaasi maro hareerihiisa ayaa ah cagaar indhuhu aysan ka daali karin, Maxamed Xirsi Jabra oo ka mid ah wariyaasha Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Irbad oo safar shaqo u jooga Garowe iyo Cabdalla Owliye ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii dalxiiska tagay Darayle kuwaasoo aad uga helay jawiga goobta iyo qof kasta siduu dantiisa ugu mashquulsan yahay.

Inkastoo Caasumaddu aysan lahayn goobo caan ah oo loo dalxiis tago Darayle ayaa kaalintaa buuxisey oo waxaa arkaysaan carruur arday ah oo ku dabaalaysana biyaha toga soo mara iyo kuwo kale oo dooga ku damaashaadaya dhammaan markaa waraysato waxay kuu sheegayaan inay u baahan yihiin goobahaan oo kale oo quruxda badan.

Duqa Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa sheegay inay wadaan qorshe magalada loogu samaynayo goobo dalxiis ah sidaasi wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay maanta Radio Garowe.

Balse wariyaasha tagay Darayle ayaa soo jeediyay in aad loo ilaaliyo nadaafada goobtan maadama dad kala duwan ay iskugu imaanayaan una baahan tahay xitaa in lasoo qurxiyo oo loo sameeyo goobo kala duwan sida meelaha carruurta ku ciyaaraan, goobo fadhi leh oo lagu qaxweeyo iyo goobo kale oo lagu dabaasho.

DAAWO sawirro aan kasoo qaadnay Jimacaddii shalay Darayle.

War bixintan waxaa qoray Cali Cabdi Ducale.IMG_7688
IMG_7690

IMG_7717

IMG_7733

IMG_7741

IMG_7747

IMG_7756

IMG_7770

IMG_7761

IMG_7772

IMG_7779

IMG_7793

IMG_7797

IMG_7803

IMG_7810

IMG_7816

IMG_7832

IMG_7829

IMG_7827

IMG_7824

IMG_7820

IMG_7837

 

IMG_7843

IMG_7846

IMG_7863

IMG_7885

IMG_7886

IMG_7894

IMG_7902

IMG_7925

IMG_7959

IMG_7982

IMG_7999

IMG_8006

IMG_8026

IMG_8239

IMG_8220

IMG_8149

IMG_8078

IMG_8069


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>