Boosaaso(pp)Shir Jaraaid oo maamulka shirkadda Golis ay maanta ku qabteen xarunta wayn ee Boosaaso ayay ku daahfureen labo adeeg oo muhiim ah oo kala ah: xaliye oo ah adeeg macmiilka uu ku xalisanayo waxyaabo badan oo uu u aadi lahaa shirkadda isagoo isticmaalaya moobeelkiisa iyo sidoo kale adeegga xirmooyin oo u sahlaya macmiilka inuu helo adeeg internet qiime jaban uuna ku isticmaalayo mudo kooban.
Shirkan jaraaid ayaa waxaa ka qayb galay madaxa suuqgaynta C/Raxamaan C/llaahi Jaamac (Dayax), Hogaanka horumarinta gobalada C/Risaaq Cali Cismaan, hogaanka ganacsiga Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) Madaxa IT-ga Eng Aadan Siciid Saalax iyo xubno ka socday waaxaha suuqgaynta iyo xiriirka dadwaynaha shirkadda Golis.
Qiime dhimis lagu sameeyay adeegga Internetka laga isticmaalo Mobile-ka ee ka kooban 3G-ga iyo GBRS-ka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shirkan jaraa’id iyadoo la dhimay 70%, taas oo ay shirkaddu u samaysay si ay ugu naxariisato macaamiisheeda.
Ugu horayn waxaa furay shirkan Jaraaid madaxa suuqgaynta C/raxmaan Dayax isagoo ku dheeraaday muhiimadaha ay xambaarsanyihiin adeegyadan ay shirkaddu u soo bandhigtay macaamiisheeda si ay uga haqab-tirto dhamaan baahiyaha technologiyadeed ay qabaan, waxa uuna ka codsaday bulshada inay si wanaagsan uga faaiidaystaan .
Eng Aadan Siciid Saalax oo ah madaxa ITga shirkadda ayaa isaguna sharaxay adeegga Xirmooyin(Bundles) oo uu xusay in macamiilku ii iibsanayo adeeg Internet ah oo ku mudaysan, maalin-le, asbuuc-le, iyo bil-le kuwaas oo kala wata xawaare kala duwan iyo qiimayaal kala duwan.
Jaamac Xasan Barre oo ah xubin ka tirsan waaxda suuqgaynta ayaa faahfaahiyay adeegga Xaliye oo uu tilmaamay in sida ka muuqata magiciisa uu xalinaya baahiyo farabadan oo uu macmiilku u iman lahaa shirkadda sida, inuu helo biilasha uu isticmaalay adeegyada ay bixiso shirkaddu, furida adeegga Internetka ee mobileka, xal u helida ciladaha dhanka GSM-ka Goliska iyo waxyaabo kale uu xambaarsanyahay adeeggan
Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) ayaa dhankiisa sheegay in labadan adeeg ay wax badan ka anfacayaan bulshada isagoo xusay in hirgalinta adeegyada caynkan ah ay uga golleedahay shirkaddu qancinta macaamiisheeda iyadoo ka duulaysa rabitaankooda iyo jacaylkooda.
Adeegyada Xaliye iyo Xirmooyin ee maanta la daahfuray ayaa gabgabo u noqonaya adeegyada ay bulshadeeda usoo bandhigtay shirkadda Golis sanadka dhamaadka ah ee 2015 iyagoo sidoo kale albaab u furaya adeegyada cusub ee shirkaddu maanka ku hayso inay soo hordhigto macaamiisheeda sharafta leh sanadada dambe hadii Eebe ogolaad
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaso