Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Xaquuqul aadanaha Puntland oo soo bandhigay dhibaatooyinka loo gaysto dadka danyarta ah (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Gudoomiyaha xafiiska difaacaha xaquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf ayaa maanta hor-tagay gollaha Baarlamaanka oo weli ku guda jira kalfadhigoodii 36-aad.

Maxamed Yuusuf ayaa goobta kusoo bandhigay khudbad uu kaga hadlayo tan iyo intii xafiiskan la furay wuxuu u qabsoomay iyo howlaha weli harsan, wuxuna si gaar ah uga hadlay xaaladaha bini’aadanimada Puntland.

Waxa uu sheegay inaysan jirin barnaamijyo gaar ah xukumaddu ku hormarinayso dadka qaba baahiyaha gaarka ah, sidoo kale waxa uu ka hadlay xaquuqda naafada oo aan waxba loo qaban, Maxamed Yusuuf ayaa ka waramay xarumaha dadka dhimirka la lagu daaweeyo ee Puntland ku yaala sidoo kale xaquuqda dadka barakayacaasha iyo qaxootiga ayuu ka hadlay isagoona sheegay inay si gaar ah ugu guur galeen.

Difaacaha xaquuqul aadanaha Puntland ayaa marka uu dhammeeyay khudbadiisa,ayay dhowr xildhibaan su’aalo kala duwan ka waydiiyay shaqadiisa iyo waxa uu ka qabtay arrimaha xaquuqul aadanah.

DHAGAYSO

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>