Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka dowadda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo ay wasaradda xanaanada xoolaha ka dhisanayso magalada Garowe, kaasoo ka kooban labo dabaq.
Munaasibada dhagax dhiga ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka xanaanada xoolaha, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socda shirkadda dhisaysa xaruntan cusub.
Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland CabdiJalaal Cismaan ayaa sheegay wasaradda xananada xoolaha inay horay u deganayd xafiiskii isi-duwihii hore ee Gobalka Nugaalka kaasoo uu sheegay inuu ku noqday mid yar oo aan lagu shaqayn karin, guriga ayuu sheegay in la iibinayo si lacagta kasoo baxdaa loogu daro xarunta cusub.
Xafiiska cusub ee wasaradda ka dhisanayso magalada Garowe ayuu sheegay inuu ka kooban yahay 22-xafiis, xoolka shirarka, goobo dawooyinka xoolaha lagu kaydiyo iyo goobo gaadiidka la dhigto, wuxuu ugu danbeyntii rajo ka muujiyay in xarunta cusub ay noqoto mid tayo leh.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xafiiska cusub ee loo dhisayo wasaradda xanaanada xoolaha maadama xafiiskii hore ay dhib badan xaga shaqada ku qabeen.
Inta badan wasaradda dowlaha ayaa hadda dhisanaya xarumo ay gaar u lee yihiin, maadama ay waqtiyadii hore ku jiri jireen guryo kiro ah oo gaar loo lee yahay.
Wasaraddaha ayaa badankooda hadda xarumo ka helay madaxtooyadda cusub oo waqooyiga magalada kaga taala.
DHAGAYSO Xasan Shiikh Maxamuud
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com