Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qaar ka mid ah suuq-yada ganacsiga magalada Garowe oo cabasho muujiyay (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Qaar ka mid ah haweenka ku ganacsada suuqyada hilimka iyo khudrada ee magalada Garowe ayaa cabasho ka muujiyay goobahooda ganacsiga, iyadoona muujiyay inay dayactir u baahan tahay goobta ay degan yihiin oo ah hool weyn oo la dhisay waqtigii dowladdii hore.

Haweenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay suuqa Inji inuusan lahayn barooxada, albaabo wanaagsan iyo iftiin ku filan, waxay sheegeen in xitaa araga indhoodu waxyeelo soo gaartay qaarkoodna ay dhiikar ku dhacay.

”Waxaan doonaynaa in safiitooyin naloo galiyo suuqa, barooxadona waan baahan nahay,dumarkii intooda badan dhiikar iyo sonkor ayaa ku dhacay” Haweenka ayaa sidaa yiri.

Duqa degmada Garowe Xasan Goodir oo shalay booqday suuqa ugu weyn magalada Garowe ee Inji ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan baahiyaha ganacsatada ka imanaysa gaar ahaan haweenka, wax ka qabashada xaalada suuqa ayuu uga mahad celiyay Hay’adda DRC.

Hoos ka dhagayso war bixin uu xaalada suuqa Inji ka diyaarshey wariye Cawil Cali Jaamac.
DHAGAYSO
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles