Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda Haweenka Puntland oo abaal-marin siinaysa ardey ku tartamey suugaan(Sawirro-Cod)

$
0
0

Garowe(pp) Wasaradda Haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska dowladda Puntland ayaa weli ku guda jirta qabashada kulamada iyo doodaha ku saabsan sidii looga hortagi lahaa tacadiyada iyo gaabiska ku yimi haweenka, maadama weli lagu jiro 16-ka bari ee shaqaaqada haweenka.

Iyadoo arrintaasi laga duulayo ayay wasaradda Haweenka Puntland xarunteeda magalada Garowe ku qabatay tartan ay galeen afar gabdhood oo ka mid ah kuwa wax ka barta iskuulada magalada, ardeydaasi ayaa tartan ku galay suugaanta gaar ahaan buran bur waxaana garsoore ka ahaa Maamo Xaliimo Cali Biyood, Maamo Ardo Siciid Gacamey iyo Maxamed Shiikh Xukun.

Gabdhaha tartanka suugaanta galay ayaa la kala yiraahdaa Farxiyo Cabdiraxmaan Aadan, Muraayo Jaamac Muuse, Farxiyo Cabdiraxmaan Maxamed iyo Samiiro Cabdicasiis, waxana lagu wadaa in maalinta berito ah la shaaciyo cida kaalinta koowaad iyo labaad gashay.

Qaban qaabada munaasibadda lagu soo afmeerayo 16-ka beri ee shaqaaqooyinka haweenka ayaa ka socota magalada Garowe, beri ayaa waxaa la qabanayaa munaasibadaasi tasoo lagu caaumay in ka badan 15-qof.

DHAGAYSO Tartankii Afartan Gabdhood galeen.

2

3

4

1
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles