Garowe(pp) Wasiirka warfaafinta Dowladda Puntland ayaa ka hadley shidaal baaris iyo sahamin isugu jirta oo Somaliland ka waddo deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlay BBC, ayaa cadeeyay in maamulkaasi uu faraha kula jiro waxyaabo ka baxsan qaanuunka caalamiga ah, maadama Somaliland weli haysan aqoonsi siinaya inay shidaal la soo baxdo.
Soocade, ayaa xusay inay jiraan abaabul ka yimi shacabka ku nool goobaha la sheegay in shidaalka laga soo saarayo, wuxuuna ka digay qalalaaso ka dhasha. Goobaha howaashi laga wado ayuu xusay wasiirku inay ka tirsanyihiin dhulka Puntland.
Wasiirka ayaa sidoo kale fariin u diray beesha caalamka iyo shirkadda ajnabiga ah ee qandaraaska qaadatay, isagoo xusay inaysan masuul ka noqon doonin waxyaabaha la soo gudboonaada.
Maaha markii ugu horaysay deegaano ka tirsan gobolka Sool laga sameeyo sahamin la xiriirta shidaalka ku jira, waxaana laga wadaa deegaanka Hol-Hol.
Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale, balse weli caalamka uma aqoon-sano madaxbanaanidooda, dowladda dhexe ayaa weli wada dadaalada wada hadalka DFS iyo Somaliland.
Puntlandpost.com