Burtinle: (pp)- Waxaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay maamulka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay isbitaalka guud ee magaalada Burtinle ayaa si rasmi ah manta xilkii ugala wareegay maamulkii hore ee Ibitaalkan
Munaasabadii xilwareejinta oo ka dhacay xarunta shirarka ee Isbitaalka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socota wasaarada Caafimaadka, Maamulka degmada Burtinle, Maamul ee Isbitaalka, Waxgaradka qaybihiisa kala duwan, Aqoonyahanka, Culimada, iyo qaybaha kale ee bulshada waxaana halkaasi si rasmi ah xilalkii ugula kala wareegay maasuuliyiinta maamulka isbitaalkan la isugu badelay.
Guddoomiyaha degmada Burtinle mudane Liibaan Xirsi Khaliif oo ka mid ahaa Masuuliyiintii madashaasi ka hadashay ayaa sheegay in maamulka cusub ee Ibitaalka laga filayo in ay wax ka badalaan adeega caafimaad ee degmada oo baahi farabadan ay ka jirto, wuxuuna ka dhawaajiyay in mudo badan uu isbitaalku ku shaqeynaya maamul la’aan.
Maamulka cusub ee Isbitaalka oo isna hadal kooban jeediyay ayaa balan qaaday in ay wax wanaagsan umada u qaban doonaan mudada ay isbitaalka joogaan, islamarkaana hankoodu uu yahay in meel sare ay gaarsiiyaan adeegyada caafimaad ee degmada.
Maamulkan cusub wuxuu codsaday in bulshadu ay wadashaqayn dhab ah la yeeshaan maadaama ay hawshani tahay mid iyaga ahmiyad gaar ah u leh, kana faa’idaysanayaan, wuxuuna iftiimiyay in la doonayo bulshadu in ay isbitaalkan iyo hawlaha ka socda u arkaan mid ay iyagu leeyihiin.
Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Burtinle, Puntland