
Bosaso(pp) Waxaan maanta xeebta magalada Bosaso kula kulmey dhalinyaro kala duwan oo qaarkood ka yimi gobaladda Waqooyi iyo Koonfureed ee Soomaaliya, kuwaasoo magalada u jooga waxbarasho iyo shaqo.
Dhalinayradaani oo Jimcada fursad u hesha inay xeebta waqti wanaagsan ku qaataan ayaan waxaan waydiistay inaan dareenkooda ogaado, xilliga aan la hadlayay waxay dheelayaan kubadda cagta, qaarkoodna waxay usoo daawasho tageen xeebta Bosaso.
Arrimaha ugu muhiimsan ee ay ka hadleen ayaa ah inaysan raali ka ahayn in dalkooda Soomaaliya ka tahriibaan oo ay dhul shisheeya ka door badiyaan, sidoo kale waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in dhalinyaro faro badan waqtigooda ku dhumiyeen qabyaalada iyo qaadka, waxayna sheegeen inay muhiim tahay in dhalintu ka waan towdo oo ay dhanka horumarka iyo ka shaqaynta mid-nimadda loosoo jeesto.
Qaarkood oo diidey inaan muuqaal ka duubo waxay talo ahaan usoo jeediyaan in ay muhiim tahay xilliyada fasaxa in dhalinyaradu magaalooyinkooda ka qabtaan barnaamijyo isku tashi ah kuwaasoo ah in qashinka laga aruuriyo goobaha dadku ku badan yihiin, suuqyada iyo wadooyinka muhiimka ah.
Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu dhib u dhaca ku yimi, wixii ka danbeeyayna bur burkii dalka ka dhacay dhalinyaro badan ayuu saamayn ku yeeshay dagaaladii sokeeya, balse waxaa sanooyinkii lasoo dhaafay muuqanaya dhalinyaro aqoon yahan ah oo doonaya inay dalkooda wax u qabtaan.



Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com
Bosaso/Puntland
The post Dhalinyarada Soomaaliya oo diidan ku dhaqanka qabyaalada, tahriibka iyo Qaadka appeared first on Puntland Post.