Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muxuu ku waayey Gen. Dhegabadan Xilkiisii?? (Warbixin)

$
0
0

Abaanduulihii Ciidanka DF ee Soomaaliyeed Gen. Dhegabadan oo xilkii Abaanduulanimada laga weerijyey Bil & bar kahor ayaa la sheegayaa in Xilkaas looga wareejiyey kaddib markii uu faraha la galay arrimaha dhulbalaarsiga ku salaysan ee ka jiray deegaanka Marka iyo deegaanada Hoos yimaada.

Akhri: Cabashada Loo gudbiyey Xasan Sh. Maxamuud

Gen. Dhegabadan oo xilkiisa ku waayey Xaq u raadinta Beesha Biyomaal

Gen. Dhegabadan oo xilkiisa ku waayey Xaq u raadinta Beesha Biymaal

Beesha Biymaal iyo Beelihii ka soo guuray gobolada dhexe ayaa  Bilihii u danbeeyey isku hayey deegaanka iyo cida xaqa u leh inay maamulkeeda yeeshaan , waxayna arrinkaas isaga hor yimi Beesha Habargidir oo 20-kii sano ee u danbeeyey ku habsaday deegaanadaas iyo Beesha Biymaal ee deegaankaas asal ahaan u degta.

Waxyaalaha la isku qabtay ayaa ka mid ahaa anagoo biymaal ah ayaa deegaankeena maamulanayna iyo wax baan idinkala leenahay iyo ciidamada deegaanka laga qorayo waxbaan ku leenahay iyo meesha xoog baad ku timaadeene , isaga taga , waa arrimaha ay ka bilowdeen murankan hadda banaanka usoo baxay asbuucyadii u danbeeyey ka jiray deegaankaasi, laakiin kacdoonka Beesha Biymaal waa mid soo socday sanado badan laga soo bilaabo illaa waqtigii dowladii empahatti ee lagu soo dhisay dowladii Allaha u naxariistee Madaxweyne C/laahi yuusuf Axmed, oo waxaa jiray fadhiyo ay beelaha habar-gidir siiba Beesha Cayr ay kula samaysay Beelaha biymaal magaalada Nairobi , laakiin  lagu kala kacay, kaddib markii Beesha Biymaal ay diiday in aysan la fariisanayn Beel qasab ku haysata deegaanadooda.

Sikastaba, Markii Deegaanka Marka laga xoreeyey Xoogagii Al-shabaab , Gen . Dhegabadan  iyo Gen. Diini ciidamadii ay hogaaminayeena ay tageen Magaalada Marka , ayaa la sheegayaa in Beesha Biymaal  ay u dacwoodeen  Labadaas Generaal , una sheegteen Xaqdaradii la gula kacay laga soo bilaabo sanadkii 1991-dii.

Generaal dhegabadan, ayaa la sheegayaa in uu ka xumaaday dhibaatooyinka ay sheegteen Beesha Biymaal , isagoo waqtigaas wixii ka danbeeyey  codsaday in dhibaatooyinka lagu hayo Beesha biymaal   uu wax ka qabanayo laga qaadi doono.

Waxaa kaloo jirtay in  Gen. Dhegabadan Cabashada Beesha Biymaal  u gudbiyey  waqtigii Madaxweyne Sheekh Shariif, madaxweyne Sheekh Shariif  sida la sheegayo uu ballan qaaday inuu arrinkaas wax ka qabanayo , wuxuuna kursiga ka tegay isagoo aan mar kale hanan xilka madaxweyninimada.

Sikastaba, Gen. dhegabadan oo aaminsanaa in Beesha Biymaal laga xaqdaran yahay laguna maamulayey sanado badan Deegaankooda iyo Guryahooda,ayaa si toos u taageeray kacdoonkooda.

Madaxweynaha Dolwada Federaalka Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in looga dacwooday taageerada uu Gen. Dhegabadan u muujiyey Beesha biymaal , taas oo keentay in Xilkiisa uu ku waayey. Waxaa kaloo xusid mudan in  madaxweyne Xasan Sheekh xilkaqaadista Gen, dhegabadan saan loogu fahmin mid isaga kaliya khusaysa ayaa waxaa lagu daray Gen. Diini oo isagana ahaa Taliyaha guud ee ciidamada Xooga Soomaaliyeed ee Df ee Soomaaliya.

Waxaana cadaymo loo haayaa in Beelihii  Habargidir ee deegaankaas boobay inay u dacwoodeen Madaxweynaha Xasan Sheekh , iyagoo magac guud isticmaalayana , boqolaal warqadood ay u gudbiyeen Madaxweyne Xasan, arrinkaas oo ay ku guulaysteen Beeshii waraaqahaas gaarsiiyey madaxweynaha , arrinkaas oo la sheegayo inuu si xoogan uga qayb qaatay wasiirka arrimaha guddaha ee Df ee Soomaaliya , si booskaas looga qaado Gen. Dhegabadan.

Waxaa la isweydiinayaa Dal sidaas dadkiisii loola dhaqmayo degenaansho iyo nolol malaga filan karaaa, jeer nin kasta oo Soomaaliya banaanka looga maro Xoolihiisa , deegaankiisa iyo dhiigiiisa intaba, waxaana xusid mudan in Taako ka mid ah Qof muslim ah xaqiisa uusan xaq u lahayn.

FG: Maqaalkan waxaa diyaariyey muwaadin u dhashay deegaanadaas oo diiday inaan magaciisa xusno, Puntlandpost-na wax masuuliyad ah kama saarna maqaalada ay soo diraan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay xog ama ra’yi ku cabiraan dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya-

Puntlandpost, Marka, Soomaaliya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>