Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

“Waanu ka xumaaney qoraalkii dhawaan waftiga Nairobi noo soo direen “Gudoomiyaha Ururka UDAD.

$
0
0

Garoowe:(pp)- Wafuud caalamiya oo ka yimid Magaalada Nairobi kana kala socdey safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Somalia u qaabilsan ayaa maalmihii lasoo dhaafey Garoowe shirar kula yeelanayey Ururada kala ah UDAD Iyo Midnimo , kuwaas oo ay ka wada hadlayeen xal u helida mowqifkii horre Midnimo iyo UDAD ku diideen ka qeyb galida Doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka Puntland oo la qaban doono 30 bisha June 2013 .

Gudoomiyaha Ururka UDAD Siciid Maxamed Faarax (Sanweyne) oo warbaahinta gudaha la hadley ayaa sheegey in kulamada ay la yeesheen Waftiyada ka yimid Nairobi ay dabo joogeen warqad horey uga soo baxdey xafiisyadooda , ayna ku cadeeyeen mowqifka ay ka taagan yihiin dooroshada Goloyaasha Deegaanka Puntland, islamarkaana warqada kasoo baxdey fariin ay ugu direen Midnimo iyo UDAD midaas oo ay ka dalbadeen inaysan shuruud ku xiri karin Doorashada Goloyaasha Deegaanka.

“Waa Jirtey in ay warqad dhawaan noo soo direen qolyahaasi runtiina waanu ka xumaaney qoraalkooda waana u sheegney in aysan dhex dhexaad ka noqon Ergadani muranka doorashooyinka Puntland, Muhiimiyada loo baahan yahay-na ay tahay in kalsooni la helo”ayuu yiri Siciid Sanweyne.

Gudoomiyaha UDAD waxa uu sheegey inaysan jirin wax is bedel ah oo kasoo baxay shirarka dhex marey iyaga iyo wafuudan islamarkaana wali ay taagan yihiin mowqifkoodii horre , Ergeyda ka socotey Safaaradaha Ingiriiska iyo USA iyana waxay taagan yihiin mowqifkoodii ay soo qoreen oo ay ku taageerayeen nidaamka loo wajahayo doorashada goloyaasha deegaanka.

Qoraal dhawaan laga soo saarey xafiisyada safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo hormuud u ah EU-da ayaa lagu cadeeyey in uusan istaagi doonin barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland u talaabsatey , iyagoona sidoo kale ku qanciyey qoraalkooda labadii urur ee horey u diidey ka qeyb galida doorashooyinka goloyaasha deegaanka in ay kasoo laabtaan mowqifkoodii horre , uusana jirin isbedel ku imaan karra barnaamijkan ee dhanka taageerada beesha caalamku siiso.

Mar la weydiiyey Siciid hadii barnaamijkan ay ka haraan in ay beel dareyn karaan fursad dahabiya madaama barnaamijkii taageeradiisa beesha caalamku cadeystay mowqifka ay iska taagtey ayaa waxa uu sheegey in ay ka UDAD ahaaan mar walba jecel yihiin in Puntland ka hirgasho nidaamka asxaabta , islamarkaana uu fariin u dirayo Madaxweynaha Dowlada Puntland.

“Annagu hadda waxaan hawada u marineynaa Madaxweynaha Puntland madaama uu yahay garwadeenkii Xukuumada ama Dowlada in uu howlahaas guuleeyo, Waxaan ka codsaneynaa marka ugu horeysa Maxkamadii Dastuuriga ahayd horeyna loogu qeexay Dastuurka Puntland , taasi oo ahayd in afar qof oo ka socda Ururada Bulshada la keeno , ayaan ka codsaneynaa Madaxweynaha in uu sida ugu dhakhsaha badan wixii kaga xiran uu u dhameeyo, sidoo kalena loo magacaabo qaadiyaal dhex dhexaad ah oo dadku ku kalsoon yihiin ” ayuu mar kale yiri Siciid Sanweyne.

Hadalka Gudoomiyaha Ururka UDAD ayaa kusoo aadaya ka dib markii dhawaan shirar la yeesheen Wafuud caalamiya oo ka yimid Nairobi , kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa wax ka bedelida mowqif-yadii horey loogu kala qaatey ka qeyb galista Doorashada Goloyaasha Deegaanka Puntland.

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>