Garowe: (pp)- Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland ayaa bilowday barnaamij lagu tiro koobayo macalimiinta ka howl-gala Iskuulada ku yaal Gobolada Puntland, Iyadoona maanta kulan loogu qabtey Xarunta Wasaarada Waxbarashada ee Garowe Tiimamkii tiro koobka soo sameyn lahaa , kuwaas oo bilaabaya safaradooda maanta iyo beri.
Kulanka maanta loo qabtey dadka tiro koobka macalimiinta sameynaya oo ah shaqaalaha wasaarada waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Sicid (Juxa) iyo Agaasimaha Guud ee Wasarada Maxamed C/wahaab, waxayna masuuliyiintani kula dardaarmeen shaqaalaha tiro koobka macalimiinta sameynaya inay si wanaagsan u guddo galaan shaqada loo igmadey, islamarkaana keenaan tirada rasmiga ee macalimiinta Puntland iskuulada ku yaal wax ka dhigta .
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland oo ka hadley kulanka loo qabtey dadka sameynaya tiro koobka ayaa sheegey in barnaamijkan uu socon doono muddo dhan 14 cisho , wixii ka danbeeya xilligaasna xogta macalimiinta Puntland looga heli doono wasaarada Waxbarashada Puntland.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax (Juxa) oo kalmad dardaaran ah usoo jeediyey dadka u baxaya tiro koobka macalimiinta ayaa u sheegey in laga maarmaan ay tahay in la helo tirada tilmaameysa macalimiinta wax ka dhiga iskuulada Puntland ku yaal, Isoogana ku dhiri galiyey in ay qabanayaan howl qaran , loona baahan yahay si taxadar leh oo ay u howl galaan, daacadnimana ay ku dheehan tahay.
Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.