Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Haweenka Soomaaliya oo kaso horjeestay 4.5

$
0
0

Garowe(PP): Shir ay Haweenka Soomaaliyeed ku yeeshen magaalada Muqdisho ayey uga hadleen doorashada iyo doorka haweenka Siyaasadda Soomaaliya.

Haweenka oo ka kala yimi gobolada Soomaaliya waxay shirkooda xoogga ku saareen sida ugu haboon ee doorasho uga dhici karto guud ahaan dalka Soomaaliya iyo in Haweenku kaalin muuqata ku yeeshaan Siyaasadda dalka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Puntland Khadro Jaamac Warsame oo shirkaas ka qayb gashay ayaa maanta kulan ay ku qabatay Garowe waxay ku faah faahisay waxyaabaha shirka Haweenka Soomaaliyeed looga hadlayey,waxayna tilmaamtay inay shir uga hadlayeen qaabka loo qaban karo doorasho ka dhacda dalka,iyo in Haweenku helaan doorka ay leeyihiin.

Waxay sheegtay in shirkii dhawaan uga furmay madaxda dalka ay ku heshiiyeen Haweenku inay helaan 30% boqolkiiba sodon,waxayna madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday in Dastuurka dalka lagu qoro arintaas.

Qodobo gaaraya shan qodob ayey ku heshiiyeen Haweenku,waxaana ku jiray in Haweenka Soomaaliyeed ay si cad uga soo horjeesteen Nidaamka 4.5ka,iygoo sheegay inuu yahay Nidaam ay ku dulman yihiin Haweenka Soomaaliyeed.

Halkan ka Dhagayso Qodobada Haweenku ku heshiiyeen.



Puntlandpost.com.

The post Haweenka Soomaaliya oo kaso horjeestay 4.5 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>