Deegaanada ka baxsan magaalooyinka laamiga saaran, arrimaha ugu badan ee caqabada ku ah waa wadooyinka, kuwaasoo aan helin dayactir iyo dhismayaal.
Marka laga taago kaalinta dowladda iyo hay’addaha waxaa weli gaabis ah dowrkii shacabka Soomaaliyeed dalka iyo dibadda ee ku aadan dhismaha wadooyinka in looga qayb qaato, dhaqaale,awood,caqli iyo aqoon.
Dal kasta sida uu sheegay gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug waxaa dhista dadkiisa, mana jirto dal ay wadooyinkooda u dhisaan dalal kale iyo hay’addo.
Gobaladda Sanaag iyo Gardufuu waa gobalada aadka uga hooseeya xagga wadooyinka marka loo eego gobaladda kale ee Puntland, dadka degan Calmadow oo hoos timaada degmada Laasqoray ayaa sheegay inay aad ugu baahan yihiin in laga qayb qaato waddooyinka isku xira tuulooyinka Calmadow iyo degmooyinka kale ee gobalka Sanaag, waxa kale oo ay sheegeen inaysan dowladdu weli tilaabo muuqata qaadin.
Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed haku noolaado dalka ama dibadda waxaa xil ka saaran yahay inuu ka qayb qaato dhismaha dalkiisa sida wadooyinka iyo kabayaasha dhaqaalaha ee dadka.
Farriin Bulsho.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Waa garasho xumo dadka Soomaaliyeed inay hay’addo wax ka sugaan appeared first on Puntland Post.