Kismaayo-(Puntlandpost)- Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Kisaamyo ayaa ka dooday mudo kordhinta uu dhawaan baarlamaanka horkeenay Madaxweyne Madoobe.
Xildhibaanada ayaa meel marayey codsiga madaxweynuhu uu ku doonayo in loo kordhiyo xiliga uu soo magacaabay wasiiradda,waxayna siiyeen mudo 3 bilooda oo horay madaxweynuhu u codsaday.
Waa markii sadexaad oo Baarlamaanka Jubbaland uu wakhtiga uu kusoo magacaabay wasiiradda maadxweynuhu u kordhiyaan, waxaan la sheegay in Axmed Madoobe ay cadaadis ka haysato beelaha.
Gudoomiyaha Gudiga Habdhowr Baarlamanka Jubbaland Bashiir Maxamed Baahale oo la hadlay warbaahinta marku so dhamaaday kulankii baarlamaanka ayaa sheegay in mudo 90 csiho loogu daray madaxweynaha xiliga uu kusoo magacaabayo wasiiradda.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.
The post Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyey codsigii madaxweynaha appeared first on Puntland Post.