Baydhabo-(Puntlandpost)- Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cabdiwali Shiih Axmed Maxamed oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunat gobolka Baay ayaa kulan kula qaaday madaxweyne Shariif.
Labada masuul ayaan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha ay kawada hadleen, basle waxaa la sheegaya in arimo quseeya maamulka Koonfur Galbeed oo ay qayb ka tahay cabashooyinka beelaha iyo arimaha doorashada kawada hadleen.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali iyo Madaxweyne Shariif kulan ku qaateen Baydhabo, isagoo xusay in ay kawada hadleen xaalada maamulka Koonfur galbeed iyo arimaha doorashooyinka.
Ra’iisul wasaarahihii hore oo wali ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa tabashooyin ka beelaha.
Beelaha gobolada maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaarkood ka cabanayaan qaabka loo qaybiyey xubnaha maamulka, waxaana jira dhawaan maamul laga dhisay Bakool, waxayna sheegeen masuuliyiin ku jira maamulkaas inay waayeen saamigii ay lahaayeen. Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa iyaguna xilka isaga tagay.
Puntlandpost.com.
The post Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya oo Baydhabo kula shiray Madaxweyne Shariif appeared first on Puntland Post.