Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Yaa Magacaabi kara Maamul Heer Gobol Iyo Heer Dagmo (Muxuuse Dastuurku ka qabaa.. (Warbixin)

$
0
0

Akhriste sida aan la socono Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaanta magaacbey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa uu Gudoomiyaha Barlamaanku magacaabay Guddoomiyaha Baay Isagoo ahaa ku simaha Madaxwaynaha, waxaa kale uu Ra,iisulwasaaruhu magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Gedo,si la mid ah waxaa wasiirka arimha guduhu magacaabay gudoomiyaayasha Degmooyin ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Zakariya Axmed IsticmaarDhanka kale waxay Dawladu had iyo jeer ku doodaa in ay magacaabeyso Maamulo heer Gobol Iyo heer Degmo muddo lix bilood ah, sida ka dhacday kulankii fashilka ku dhamaaday ee ku dhexmaray Raisul-wasaare Saacid oo hogaaminayay Xeyn Wasiiro ah,Iyo Reer Jubba-Land ee ka dhacey Magaalada Kismaayo.

Hadaba Akhriste ama Muwaadin Su,aasha is waydiinta mudan waxay tahay Mas,uulyiintaas aan kor ku xusnay oo uu ugu horeeyo Madaxwayna Jamhuuriyada Federaalka, Mudane Hassan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Raisu-lwasahraha Xukuumada Iyo Wasiirka Arirmaha Guduhu, Awood ma u leeyihiin xilalkaas ay magacaabeen oo ah Heer Gobol iyo Heer degmaba ah ??

Hadaba sida aanu wada ogsoonnahay Awoodaha Masuul kasta oo xil u haya Bulshada laga bilaabo Madaxwayne Iyo kan ugu hooseeya oo Bulshada Shaqo u dhiibatay waxay ku Xusan yihiin awoodiisa Iyo waajibaadkiisa Sharuucda dalka, oo uugu sareeyo Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka, Masuul kasta oo ku tilaabsada wax ka baxsan awoodiisa Dastuuriga ah ” waa wax kama jirraan” wuxuuna ku mutaysan karaa Ciqaab waafaqsan Dastuurka iyo Sharuucda Dalka.

Sidaas darteed hadii ey awoodaha Masuul kasta oo Xil u haya Bulshada ay ka imaanayaan Dastuurka Dalka, bal Akhriste eynu eegno Awoodaha Masuul kasta oon kor ku xusney uu siinayo Dastuurka Dalka.

Ugu horeyn Madaxweyanaha Iyo Awoodihiisa Dastuuriga sida ku xusan Qodobka 90aad ee Dastuurka Federal ka Dalka Soomaaliya wuxuu sheegayaa sidatan:

Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

Awoodaha Iyo xilka Madaxweynuhu waxaa ka mid ah:
1. Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaalada dagaal, si wafaaqsan sharciga.
2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
3. Wuxuu magacaabaya Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, shaqadana wuu ka qaadi karaa.
4. Xil ka qaadista Saraakiisha Dowladda Federaalka waxay ku imaanaysaa sidii markii hore lagu magacaabay.
5. Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka hadii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
6. Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha, iyo Wasiir-ku-xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
7. Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalka, si sharci looga dhigo.
8. Wuxuu furaa Golaha Shacabka.
9. Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.
10. Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.
11. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.
12. Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dowladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada.
13. Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.
14. Wuxuu qaabilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiilada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.
15. Wuxuu gudoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka (State Honor) markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.
16. Madaxweynaha wuxuu kala diri karaa golaha shacabka marka ay mudadiisa xilka dhamaato si doorasho ay u aadaan.
17. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.
18. In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Qodobka 100aad Ee Dastuurka Federalka oo ka hadlaya Xilka Iyo Awooda Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegayaa sidan:
1. Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waa
a. Madaxa Xukuumadda;
b. Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha wasiirada;
c. Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo Barnaamajka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
2. In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 99aad Ee Dastuurka Federalka oo ka hadlaya Xilalka Golaha Wasiirrada wuxuu leeyahay sidatan:

“Xilalka Golaha Wasiirada”
1. Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:
(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;
(b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;
(c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed (draft law) iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacbiga;
(d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;
(e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;
(f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;

Hadaba Akhriste waxaan filayaa inaad si mug leh uu dhuuxdey amase u akhridey Xilalka Iyo Waajibaadka Masuuliyiinta kor ku xusan ee uu Dastuurku siinayo. Sidaas darteed waxaa is-weydiinta , waa “Yaa Xaq u leh Magaacabida iyo Xilka qaadista Guddoomiyeyaaasha Gobolada iyo Degmooyinka aan kor ku xusney?? Dhanka kale Waxaan la wada soconaa in Dastuurkeena uu sheegayo Nidaamka Dalka inuu yahay Federal, Sidaa darteed Deegaan kasta isagu dooranayo Maamulkiisa heer Degmo Iyo Gobol.

Fiiro-gaar ah, Qodobka 90aad Faqradiisa (12) Ee Awoodaha Madaxweynaha oo u qoran sidatan:

“12. Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dowladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada”.

Hadaba Akhriste Guddoomiyayaasha Gobolada Iyo Degmooyinku ma heer Federal baa?mise waa heer Degaan,? Sidoo kale Maxaa loola jeedaa Jagooyinka Sare ee Xukuumada Federaalka ah?

Hadaba si aan ugu jawaabno Su,aalahaas kore jawaabtu waxay noqonaysaa sidatan:

In kasta oo Fasiraada Dastuurka ay leedayhay Maxkamada Dastuuriga ah hadana markii aan wax ka waydiinay arintaas Sharciyaqaano iyo siyaasiyiinba waxay cadeeyeen in jogooyinka Heer Gobol iyo Heer Degmaba aysan ahayn heer federaal Sida ku cad meelo badan oo Dastuurka ka mid ah iyo marka la eego micnaha guud ee Nidaamka Federaalka oo awooda Gobolada iyo degmooyinka siinaya shacabka ku dhaqan Gobolada iyo dagmooyinka.

Sidoo kale waxay sharciyaqaanadu Ku fasireen “Jagooyinka sare ee Xukuumada Federaalka” Jagooyinka ay ka mid yihiin:

a)Hanti dhowrka guud, Garyaqaanka guud , Xisaabiyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe IWM oo Heer Federaal ah Dhanka Kale Qodkobka 99aad ee dastuurka Faqrada 1aad xarafka (g) ee ka hadlaya Awooda Golaha wasiirada wuxuu u qoran yahay sidatan ” Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda Saraakiisha sare ee Dawladda.”

Sida aan horay u sheegnay Markii aan waydiinay Sharciyaqaanda Arintaan waxay cadeeyeen in Saraakiisha sare aysan ku jirin Godoomiyaasha gobolda iyo degmooyinka waxayna cuskadeen:
a) Madaama Markii hore ee maamulku uu ku koobnaa Dowlada dhexe oo aan loo guurin Nidaamkaan Fderaalka ah, oo awooda siinaya Shacabka ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka, Maamulada Heer Gobol iyo Heer degmaba Macaabidooda Iyo xilka qaadidoodaba waxaa lahaa Madaxwaynaha sidaas darteed waxaa iska cad in golaha
wasiiradu aysan xaq u lahayn Magacaabida iyo xilka qaadida Maamulada Heer Gobol iyo Heer Degmo oo Dastuurku uu ka qaaday Madaxwayna oo horay u lahaa una celiyey Shcabka Degaanka sida uu sheegayo micna guud Nidaamka Federaalka ee Dastuurka dalka ku dhisanyahay.

Sidoo kale waxaa sharciyaqaanadu ku Fasireen in qodobkaas loola jeedo Saraakiisha Heer federaal oo ay ka mid ka yihiin :
Agaasimayaasha Guug, Agaasime waaxeedyada, Xog-hayayaasha Safaaradaha Iyo Jago kasta oo maamul heer federaal ah Iyo o sidoo kaleeto Xaaladaha gaarka ah oo dastuurku sheegayo sida qodobka 49aad faqradiisa 2aad oo u qoran sidatan” 2. Gobol gooni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Dowladda Federaalka Somalia ayaa maamulaysa waxaana waajib ku ah gobalkaas inuu ku biiro gobol kale ama dowlad xubin ka ah Dowladda Federaalka mudo labo sano gudahood”.

Hadaba Akhristeyaal ama Muwaadiniin waxaan rajaynayaan in aad akhridaan Dastuurka dalka Iyo qawaaniinta kalaba si aad Masuuliyiinta Dalka ugula xisaabtantaan hadii ay ka tilaabsadaan sharciga ama ay hareer maraan. Madaama qofka kasta uu sharcigu ka sareeyo martab kasta iyo heer kasta uu joogo oo aan qofna sharciga ka sarayn, sida uu sheegayo qodobka -4aad ee Dastuurka – oo sheegaya “Sarraynta Dastuurka”.sidoo
kalena uu Dastuurku yahay mid dhaqangal ah laga soo bilaabo xiligii ay sida ku meel gaarka ah u Ansixiyeen Ergadii matalaysay Bulshawaynta Soomaliyeed. sida uu tilmaamayo Qodobka204aad ee Dastuurka.” Dhaqangelinta Dastuurka”

Gobagabo.

Akhriste ama Muwaadin waxaan hadalka ku gunaanadaynaa su aal furan oo ah, Hadii aan dastuurka dalka ahkrinay oo aragnay awooda uu siinayo madaxda dalka oo ku jirro Madaxwaynuha Iyo Golaha xukuumada oo Raiisulwasaaruhu hogaaminayo, Maxay u cuskadeen Magacaabida godoomiyeyaasha Gobolda iyo Degmooyinka ey ka mid yihiin, Gudoomiye-yaasha Gobal Bay, Gobalka Hiiraan Gobal Gedo iyo Degmooyin ka mid ah Gobalka Galgaduud sida Caabudwaaq, iyo Balanballe oo sidoo kaleeto ay u doonayaan in ay u magacaabaan maamulo Heer Gobol iyo Degmo sida ay had iyo jeer ku doodaan?..

Sakariye Isticmaar
sakariye85@hotmail.com

Daabacaadda: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>