Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Saldhig lagala dagaalamo Argagixisada iyo Burcad badeeda oo la dhisayo (Sawiro).

$
0
0

Adis ababa :( pp)- Wasiirka Amniga Puntland Col Khaliif Ciise Mudan oo hogaaminaya wafti ka socda Dowlada Puntland oo ku sugan wadanka Ethiopia ayaa ka warbixiyey shir ay uga soo qeyb galeen magaalda Sanca Dalka Yemen,islamarkaana looga hadlayey Argagixisada Geeska Afrika iyo La dagaalanka Burcad badeeda.

Wasiirka ayaa sheegey in shirka ka dhacay Yemen uu ahaa mid ay qabsoomidiisa iska kaashadeen Wasaarada arimaha dibada Maraykanka iyo Dowladda Yemen ,islamarkaana ay kasoo qeyb galeen xubno gaaraya 25 oo kala kala socda Dalalka Somalia, Jabuuti, Yemen iyo Maraykanka.

Dhinaca Somalia ayuu sheegey wasiirku in laga casumey Maamulada Somaliland, Puntland iyo Galmudug, iyadoona uu sheegey in Puntland shirkaasi kasoo jeedisey talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada kooxahan.

“Shirkii ka dhacay Sanca waxa uu ahaa shir qayb ka ah la dagaalanka budhcad badeeda Somalia iyo Al-Qacida ,runtiina waxa uu ahaa shir muhiim noo ah, si wada jir ahna waxaa la isku raacay in aan laga harin sidii loo dabar goyn lahaa Burcad badeeda iyo Al-Qacida” Ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan oo ka warbixiyey shirkaasi.

Dhismaha xarun laga hago howlgalada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada iyo Burcad badeeda ayuu xusey Khalif Ciise in la isla gartey dhismaheeda, maadaama Puntland ciidan badeed ay leedahay khibradna u leedahay la-dagaalanka kooxahani.

Waxa uu tilmaamey wasiirku in dalalkii kasoo qayb galay shirkaasi oo Maraykanku ugu muhiimsanaa ay si wada jir ah u aqbaleen qodobada ka soo baxay shirka,iyadoona lagu balamay in si dhakhso ah loo hirgaliyo mashruucan.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Dekedaha iyo la dagaalanka Burcad badeed Siciid Maxamed Raage,waxaana la filayaa Wasiiradu in maalmaha soo socda ku soo laabtaan Garowe ka dib marka ay soo dhameystaan shirarka ay dalka Ethiopia kula leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Dowlada ethiopia.Labada Wasiir

 

 

 

 

 

9

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka iyo xubno kale

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Amniga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Ethiopia Adis Ababa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>