Garoowe: (pp)- U qeybsamaha Qaramada Midoobey ee gargaarka bini,aadanimo Somalia Philippe Lazzarini ayaa caawa kulan is barasho kula yeeshey Madaxweynaha Dowlada Puntland xarunta Madaxtooyada Cusub ee Garowe, ka dib markii dhawaan ergeygan loo soo magacaabey booskan.
Kulan dhex marey labada masuul ayaa ku saabsanaa is barasho iyo sidii Mr Lazzarini u kormeeri lahaa mashaariic kala duwan oo UN ka wado Puntland.
Saraakiil ka socotey UNDP,UNOCHA iyo Xafiiska Ergeygan ayaa ku wehlinayey kulanka Madaxweynaha Puntland uu la yeeshey halka ay goob joog u ahaayeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shirre iyo Qaar ka mid ah golaha xukuumada.
Waftiga uu hogaaminayo Ergeygan ayaa soo gaarey Magaalada Garowe galinkii horre ee maanta, kuwaas oo kormeer ku tagey dhismayaal QM fulisey , kuwo wali dhismahoodu iyo kormeer ay ku tageen qaar ka mid ah kaamamka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.
Madaxweyne Faroole ayaa kulanka ka dib ee uu la yeeshey u qeybsamaha Qaramada Midoobey ee gargaarka bini,aadanimo Somalia waxa uu fidiyey marti qaad casho sharaf ah , waxaana la sheegey in maalmaha soo socda ay sii joogi doonaan waftigan.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost_Garoowe.