Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminyo oo ambabaxay Kismaayo

$
0
0

Bosaso-(Puntlandpost)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka duulay garoonka bosaso iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland oo barri uu ka furmi doono Shirka wada tashiga.

Shirka Kismaayo ka fumi doona ayaa lagu go’aamin doona nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanada 2016,horay waxaa shir noocaan oo kale ah uga furmay Muqdisho,qodobo gaarayey todobo ayaa laga soo saaray shir socday mudo sadex bari ah.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa doonaya iyagu in doorashada lagu saleeyo hab degmooyin, halka dowladda Fadaraalka maamulada Koonfur galbeed iyo Gal-mudug ay rabaan in lagu saleeyo Nidaamka loo yaqaan 4.5ka,dhinacyada ayaa doonaya in mid walba la qaado argtiduu qabo, waxayna taasi keentay in laysku fahmi waayo noocaa doorasho ee Soomaaliay.

Cabdiwali Cali Gaas iyo Madoobe ayaa codsaday Shirkii Muqdisho in lasiiyo xili ay la tashi kula soo sameeyaan shacabka ay matalaan,dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa Garowe kula shiray qaar kamid ah bulshada ra’yidka ah oo la tashi uu kala sameeyey nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta, waxaana lagu heshiiyey inay ka midaysan yhiin in doorashadu noqoto mid deegaan.

Shirka barri ka furmi doona Kismaayo ayaa ka duwan shirkii Muqdisho ka furmay,waxaana lagu go’aamin doona habka doorashada loo marayo, lamana oga waxyaabaha labada dhinac ay isla qaadan doonaan maadaama lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusooa aaday xili Puntland yimaadeen Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cali Maxamed Geed iyo Cabdiwali Shiiikh Axmed oo labaduba soo noqday Ra’iisul wasaare yaal,waxayna kasoo horjeedaan nimdaama 4.5ka

Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.

The post Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminyo oo ambabaxay Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles