Bosaso-(Puntlandpost) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa khudbadii uu ka jeediyay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, waxa uu ku sheegay asbuucaan gudihiisa inuu kusoo wajahan yahya dekadda Bosaso Markab sida qalabkii lagu balaarin lahaa isla dekadda.
Dayactirka iyo ballaarinta dekadda ayuu sheegay madaxwaynaha inuu qayb ka yahay horumarka dalka ka socda gaar ahaan Puntland, wuxuna sheegay magalada Bosaso inay nasiib u yeelatay kobaca horumarka.
Puntland ayuu ku sheegay inuu illaahey ugu deeqay dhul barwaaqo ceegaagto balse waxa uusan meesha ka saarin inay jirto aqoon la’aan ku wajahan sidii khayraadkaa kala duwan loola soo bixi lahaa.
Sidoo kale madaxwaynaha waxa uu ka hadlay ahmiyadda uu lee yahay dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.
Puntland oo qayb ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayaa sanooyinkii lasoo dhaafay ku tilaabsatay mashaariic horumar, balse waxaa weli taagan cabashada shaqaalaha ee mushahar la’aanta iyadoona dadku la socdaan lacag shillin Somali ah oo dowladda Gaas ku daabacdey Bosaso.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Markabkii siday qalabka lagu balaarinayo dekadda Bosaso oo asbuucan imanaya appeared first on Puntland Post.