Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho kula shiray Saraakiil ka socotay Ingiriiska

$
0
0

Muqdisho-(Puntlandpost)- Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Saraakiil ka socotay wasaaradda Difaacada dowladda Ingiriiska oo uu hogaaminayey Gen John Lorimer,waxaana kulanka goob joog ahaa Safiirka Ingiriiska ufadhida Soomaaliya.

Kulamo looga hadlayey xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ayey wada qaateen,iyo sidii dowladda fadaraalka looga taageeri lahaa Amaanka,Wasiirka ayaana waftiga uu hogaaminayey Gen John Lorimer uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho.

Cabdiqaadir Sheekh ayaa sheegay in Saraakiisha ay kawada hadleen sidii taageero looga siin lahaa dowladda fadaraalka ladagaalanka argagixisida iyo sidii looga hortagi lahaa khatar lidku ah Amaanka.

“Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo Hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka.

Waxayna balan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo dagaalka lagula jiro Cadowga” ayuu yiri wasiirku.

Puntlandpost.com.

The post Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho kula shiray Saraakiil ka socotay Ingiriiska appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>