Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Cabdixakiin Guuleed iyo Gaas oo garay Kismaayo

$
0
0

Kismaayo-(P-today): Madaxweynayaasha Puntland iyo Gal-mudug ayaa kaa gaaray Maanta magaalada Kisamaayo  oo barri uu shirka madasha wada tashiga ee doorashadu ka furmayo.

Labada madaxweyne waxa garoonka kusoo dhaweeyey masuuliyiinta Jubbaland iyo qaybaha kale ee bulshada,magaalada Kismaayo waxaa kusugan ergooyin ka kala socda maamulada dalka iyo dowladda Fadaraalka sidoo kale waxaa Kismaayo yimi Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom.

Wararka ayaa inta ku daraya in Shirka ay qayb ka ahaan doonaan Urur goboleedka IGAD islamarkaana ay goob joog unoqdoonaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan madaxda Soomaalida.

Intuusan Shirku furmin ayaa la filayaa in labada madaxweyne ee Puntland Cabdiwali Gaas iyo Gal-mudug Cabdixakiin Guuleed ay kawada hadlaan sii xoojinta heshiiskii dhawaan laga gaaray shaqaaqadii ka dhacday Gaalkacyo.

Shirka barri furmaya Kismaayo ayaa ah mid dadka badankii hadal hayaan, waxayna iswaydiinayaan qaabka uu noqon doono Mustaqbalka Soomaaliya, maadaama doorashadu ay tahay mid looga baxayo marxalada kala guur ka ah.

Puntlandpost.com.

The post Cabdixakiin Guuleed iyo Gaas oo garay Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>