Muqdisho-(Puntland Post)-Shirka horumarinta istiraatiijiyadda warbaahinta Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Waxaa soo qabanqaabiyey Shirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ,waxaana ka qeyb galay wasaaradaha warfaafinta dowlad-goboleedyada, Ururrada Saxaafadda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee taageera Saxaafadda Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta dowladda fadaraalka Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa furay shirka, isagoo u mahad celiyay kasoo qayb galayaasha, hadalkiisa ayuuna sii raacshay in shirku uu isagu jiro labo qaybood oo kala ah in warbaahinta Soomaaliya loo sameeyo Istiraajiyad shanta sano ee soo socoto iyo in lasoo bandhigo sharciga Saxaafadda oo baarlamaanku dhawaan meel mariyey.
Shirkaan ayaa daba socda shirkii qaran ee warbaahinta Soomaaliya oo bishii November lagu qabtay magaallada Muqdisho, kaas oo waxyaabihii ka soo baxay ay ku jireen in la sameeyo istiraatiijiyad qaran oo warbaahinta Soomaaliya lagu horumariyo shanta sano ee soo socota.
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo kamid ahaa masuuliyiintka ka qayb galay shirka ayaa sheegay in shirkan uu muhiim uyahay warbaahinta Soomaaliyeed,islamarkaana ay muhiim tahay in Saxaafaddu yeelato Istiraatiijiyad ay ku midaysan yihiin.
Shirka ayaa cocon doona laba maalin, gabagabada ayaa laga soo saari doono istiraatiijiyad Qaran oo shanta sano ee soo socota lagu horumarin doono warbaahinta Soomaaliya, Hay’adaha IMS/FOJO iyo UNESCO ayaa shirkaan ka taageeraya Warbaahinta.
Sawirro.
Puntlandpost.com.
The post Shir looga hadlayo Istiraatiijiyad warbaahinta loo samaynayo oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.