Kismaayo-(Puntlandpost)- Madaxweynaha dowladda fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayey galabta inuu yimaado Kismaayo ayaa baaqday, waxaana la sheegay inuu barri aadi doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo shirka maamul usamaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu furi doono.
Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu barri galinka dambe yimaado Kismaay, markaas oo uu furmayo shirka madasha Qaran ee wada tashiga doorashada 2016.
Maanta ayaa lagu waday inuu furmo shirku, balse sababo ay kamid yihiin baaqashada Madaxweynaha ayuusan u furmin, waxaana la filayaa inuu furmo barri galab.
Magaalada Kismaayo ayaa labadii barri ee lasoo dhaafay waxaa kusii qul qulayey madax kala duwan,oo isugu jira kuwa Soomaalida iyo beeshada Caalamka.
Shirka ayaa ah mid go’aan rasmi laga soo saari doono oo ku aadan habka loo wajahayo doorashada marka uu dhamaado xiliga dowladda uu hogaamiyo Xasan Shiikh.
Puntlandpost.com
The post Xasan Shiikh oo baaqday iyo Shirka oo barri furmaya appeared first on Puntland Post.