Kismaayo-(Puntlandpost)- labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Gal-mudug ayaa saaka aaday magaalada Jawhar ee xarunta Shabeellaha dhexe oo maanta uu ka furmayo Shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Madaxwyenayaasha Axmed Madoobe iyo Cabdixakiin Guuleed ayaa ka ambabaxay magaalada Kismaayo oo maal mahan ay kusii qul qulayeen madax Soomaalida, islamarkaana utagayey Shirka madasha Qaran ee doorashada 2016.
Madoobe iyo Guuleed ayaa u tagaya Jawhar inay ka qayb galaan Shirka maamul usamaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo maanta uu furidoono madaxweyne Xasan Shiikh oo isna maanta tagi doona Jawhar.
Shirkii Madasha Qaran ee wada tashiga doorashada sanadkan ayaa la filaya inuu barri furmo,madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur galbeed ayaa maanta booqanaya qaar kamid ah xarumo maamulka Jubbaland ee Kismaayo.
Cabdiwali Gaas iyo Shariif Xasan ayaa meelaha ay booqanayaan waxaa kamid ah xarunta lagu qabanayo shirka iyo xarumo kale,Amaanka magaalada ayaa la adkeeyey maalmihii lasoo dhaafay.
Puntlandpost.com.
The post Axmed Madoobe iyo Guuleed oo aaday Jawhar appeared first on Puntland Post.