Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Shiikh oo maanta tagaya Jawhar iyo Jawaari oo tagi doona Kismaayo

$
0
0

Garowe-(Puntlandpost)-Maanta magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa laga sugayaa madaxweynaha dowladda fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh, isagoo furidoona Shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wafuud kala duwan ayaa maal mahan tagayey Jawhar kuwaas oo ka qayb galaya shirka,Odayaasha gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe qaarkood ayaa kusugan magaalada.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa markuu furo shirka inuu aadi doono magaalada Kismaayo oo barri uu ka furmayo Shirku,madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed ayaa iyaguna Saaka aaaday maagaalada Jawhar oo ka qayb gali doona Shirka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo, isagoo qayb ka noqon doono Shirka barri furmi doona.

Puntlandpost.com.

The post Xasan Shiikh oo maanta tagaya Jawhar iyo Jawaari oo tagi doona Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>