Bosaso-(Puntlandpost)Tababar labo cisho soconaya ayaa maanta magalada Bosaso loogu qabtay mu’adiniinta masaajida magalada oo ay soo qaban qaabisay mu’asasada Al-Minhaaj ayaa waxaan kasoo qayb galay , wasiirka Cadaalada iyo culimadda Gobalka, qayb kamid ah isimada iyo ganacsato .
Xasan Cabddale Xasan madaxa Al-Minhaaj Gobalka Bari oo bilowgii tababarka ka hadlay ayaa sheegay muhiimadiisa inay tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda mu’adiniinta iyo in la xasuusiyo waajibaadka iyo masuuliyadda ay umadda u hayaan.
Casharadda ayaa waxaa bixinaya culimadda Gobalka, waxayna sheegeen inay muhiim tahay dadka masuulka ka ah masaajiyadda inay aqoontoodo wanaagsan tahay iyo ahmiyadda ay lee dahay xirfadda mu’adanimadda.
Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culimadda Soomaaliyeed ee ku nool magalada Bosaso ayaa sheegay aadaanka in uu yahay calaamad lagu garto dadka muslimka ah cadaynaayana hadafkii loo abuuray dadka ,waxaana uu sidoo uu ku dheeraaday qiimaha uu leeyahayn mu’adinka
Waxaa ayana hadala dhaxal gal ah goobta kasoo jeediyay nabadoon c/qaadir xarago iyo ganaacsade yaasiin maxamud cali oo bogaadiyay shaqada ay mu’asasadu bulshada u hayso .
Gudoomiyaha Mu’asada Al- Minhaaj ee dacwada iyo hormarinta shiikh Maxmed Cabdulaahi Cabdule ayaa dhankiisa xusay in ay wadi doonaan tabarada noocani ah , waxaana intaasi uu ku daray in horay ay uga qabteen tababar ka dhigiisa ah gobalada kale ee Puntland ,
Maxmed Cabdulaahi Cabdule Gudoomiyaha Minhaaaj ayaa ka codsaday wasaarada Cadaalada in tira koob ku sameeyaan magaala walbo masaajid kuyaal sidoo kale ay tababaro siiso mu’adimiinta ,waxaana uu xusay in ka mu’asasa ahaan ay garab istaagi doonaan Wasaarada
Wasiirka Cadaalada ,Diinta iyo awqaafta Puntland Salaax Xabiid Jaamac ayaa ugu mahaceliyay mu’asada Al -Minhaaj oo tabarkaan u qabatay mu’adiniinta , waxaana uu ku tilamaamay tabarka mid muhiim ah.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso
The post Mu’asasada Al-minhaaj oo tababar ufurtay mu’adimiinta Masaajida Boosaaso appeared first on Puntland Post.