Kismaayo (Puntland Post) — Galabta waxaa la filayey inuu furmo shirka Madasha Wadashiga Qaran ee looga wada hadlayey arrimo ay ka mid yihiin doorashada sanadkaan dalka ka dhici doonta, oo ka furmi lahaa Kismaayo ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu dib u dhacay, uuna berri furmayo.
Shirkii Muqdisho lagu qabtay bishii hore ee sanadkii tagay ayaa lagu go’aamiyey in 10ka bishan Kismaayo lagu qabto shirka,waxaana ku yimi dib udhac ay qayb ka tahay maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo uu madaxweyne Xasan furayey.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa kusugan Kismaayo,waxaana maanta tagay madaxweynaha dowaladda fadaraalka Xasan Shiikh, kadib markii uu kasoo qayb galay Shirka maamulka Jawhar iyo Baladweyne.
Shirka barri furmaya ayaa lagu go’aamin doonaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta markuu dhamaado bilaha u harsan dowladda uu madaxweyne Xasan Shiikh hogaamiyo.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood iyo dowladda ayaa ku kala aragti duwan habka loo wajahayo doorashada, waxaase si rasmi ah loo ogayn go’aanka kasoo bixi doona Shirka.
Puntlandppost.com.
Xasan Baashe.
The post Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo galabta dib u dhacay appeared first on Puntland Post.