Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW hore ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh oo dowladda ku eedeeyey inay ka gaabisay doorasho Qof iyo codkii ah

$
0
0

Bosaso-(Puntlandpost)- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed oo kusugan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari ayaa dowladda fadaraalka ku eedeeyey inay ka gaabisay dalka inay ka hirgaliso doorasho qof iyo codkii ah.

Cabdiwali Shiikh ayaa sheegay inuu aaminsana markuu xafiiska joogay inay guud ahaan Soomaaliya laga hirgalin karo doorasho xor ah oo qofku doorankaro shaqsiguu rabo.

Dowladda ayuuse ku tilmaamay inay ka seexatay dalka in ay ka  hirgaliso doorasho xor ah,isagoo ku sababeeyey is qab qabsiga markasta soo wajaha madaxda ugu saraysa dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Cabdiwali Shiikh ayaa sanad ka hor ka tagay xafiiska, kadib markii ay is qabteen madaxweyne Xasan, waxaa uu hada kusugan yahay magaalada Bosaso oo uu kulamo kula qaadanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Puntlandpost.com.

The post RW hore ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh oo dowladda ku eedeeyey inay ka gaabisay doorasho Qof iyo codkii ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>