Hargaysa-(Puntlandpost)-Magaalada Hargaysa waxaa maanta lagu aasaaya allaha ha u nariiste Maydka Abwaan Cali Sugule oo labo bari ka hor ku geeryooday magaalada Shaariqa ee wadanka Imaaraadka Carabta.
Diyaarad soo qaaday maydka Abwaanka Cali Sugule ayaa goordhaweyd timi magaalada Hargaysa,waxaana aaska ka qayb gali doona masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland.
Abwaanka ayaa taariikh dheer ku leh Sugaanta Soomaalida, waxaa uuna caan ku ahaa gabayada iyo heesaha wadaniga ah,waxaana la sheegay in lagu aasi doono qabuuraha Naasa hablood ee magaalada Haragaysa.
Puntlandpost.com.
The post Maydka Abwaan Cali Sugule oo maanta lagu aasayo Hargaysa appeared first on Puntland Post.