Nairobi-(Puntlandpost)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay 886 milyan si loo caawiyo dadka Soomaalida sanadkan
Xafiiska gar gaarka ee QM UN OCHA ayaa sheegtay 4.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gar gaar sanadkan 2016, ayna doonayaan in 3.5 milyan oo soomaali ah ay gar gaar gaarsiiyaan.
Ha’yadda ayaa sheegtay in todobaadkan raadin doonto shaqaalaha lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed,waxaana warbixinta lagu xusay in dad gaaraya 145,000 ay waxyeeleeyeen roobabkii watay dabaylaha oo ku dhuftay meelo ka mid ah dhulka Soomaaliya sanadkii tagay.
Warbixinta ayaa loogu mahadceliyey wadamadii caawiyey Soomaaliya sanadkii tagay,Ha’yadda ayaana tilmaamtay in 2.5 Milyan oo Soomaali ah ay gar gaar gaarsiiyey sanadkii 2015.
The post QM oo sheegtay in loo baahan yahay 886 Milyan si loo caawiyo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.