Kismaayo-(Puntlandpost)- Waxaa goordhaweyd ka furmay Kismaayo Shirkii madasha wada-tashiga Qaran ee looga hadlayo doorashada sanadkan,masuuliyiinta dowladda fadaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa kusugan xarunta uu shirku ka furmay.
Madaxda ayaa la sheegay in maanta Shirka ay ugu hadlayaan khud bado ku saabsan waxyaabihii aan qabsoomin sanadadii lasoo dhaafay iyo baahiyaha jira in la helo waxbarasho iyo shaqo abuur iyo in Soomaaliya oo mida masuuliyiintu hogaamiyaan.
Siyaasi jooga Kismaayo kana tirsan Masuuliyiinta Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa sheegay in Shirku uu mar dhaweyd furmay, islamarkaana maanta masuuliyiintu khud bado kaliya soo jeedin doonaan,waxa uu tilmaamay in aysan jirin qodobo maanta laga hadlayo.
Barri ayuu xusay in lagudo gali doono qodobada Shirka,waxaa uuna carabaabay in labo qodob oo kala ah in doorashada lagu saleeyo deegaan iyo Nidaamka 4.5ka ay madaxda barri ka doodi doonaan.
Cabdinuur ayaa sheegay in shirku uu socon doono sadex bari iyo labo bari oo dib loo eegi doono waxyaabha Shirka kasoo baxa.
Shirka ka fumay Kismaayo ayaa afar bari baaqday,kadib khilaafyo soo kala dhex galay masuuliyiinta maamul goboleedyada,waxayna wararku sheegayaan in Puntland iyo Gal-mudug oo horay lagu heshiisiiyey Gaalkacyo, kadib xiisad dagaal oo ku dhexmartay Gaalkacyo ay Puntland diiday in mar kale Gal-mudug kula hadasho Kismaayo.
Sidoo kale waxaa iyaguna khilaaf uu ka dhex jiraa Jubbaland iyo Koonfur galbeed,Ra’iisul waasaare Cumar ayaana maalmo ka hor kuwada hadal siiyey Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Muqdisho,khilaafyadaas iyo madaxweyne Xasan oo aaday Shirka maamulka loogu samaynayey gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la sheegay inuu baajiyey Shirka.
Halkan ka Dhagayso
Puntandpost.com
The post Shirkii Kismaay oo furmay iyo madaxda oo Khud bado jeedinaysa appeared first on Puntland Post.