Kismaayo-(PuntlandPost) Soomaalida qaxootiga ku ah wadanka Kenya gaar ahaan gobalka Waqooyi Beri ayaa dib ugu soo laabanaya gudaha Soomaaliya, iyagoona ku laabanaya go’aankooda.
Ku dhowaad labo boqol oo qof oo ku wajahan gobaladda Baay, Gedo iyo Jubbada hoose ayaa maalin ka hor kasoo baxay xeradda qaxootiga Dhadhaab kuwaasoo warbaahinta u sheegay inay iskood uga tagayaan dalka Kenya oo ay u baahan yihiin inay dalkooda hooyo ku noolaadaan.
Qaxootiga Soomaalida ah ayaa muujinaya inay joogaan waqtigii ay Soomaaliga ku laaban la haayeen maadama aysan xeryaha qaxootiga ka helin nolal dhaanta tii ay dalka uga soo carareen, waxayse qaarkood sheegayaan in qaybo ka mid ah dalka uusan amaan ahayn balse ay alla talo saarteen.
Dowladda Kenya,UNHCR iyo DFS ayaa ku heshiiyay in qoysaskii doonaya inay dalkooda ku laabtaan loo fududeeyo, qorshahaas oo soo socdey tan iyo sanadkii hore 2014, waxaana jira qoysas kale oo u xir xiran Soomaaliya balse aan weli xeryaha qaxootiga kasoo bixin.
Xaalada xerooyinka qaxootiga ayaa ah mid aad u addeg, marka loo eego xaalada dalka, waana tan keentay in qoysasku ay goosteen inay dhulkooda isaga laabtaan.
Puntlandpost.com
The post Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Kenya oo weli dib ugu soo laabanaya dalkooda appeared first on Puntland Post.