Shirkada Isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku soo bandhigtay Adeegii ugu Raqiisanaa ee Mobile Internet Soomaaliya oo dhan, waxaana sidoo kale jira adeegyo kale oo la dhimay kharashkooda halka kuwona laga dhigay lacag la’aan.
Barnaamijka Golis ay soo bandhigtay ayay ugu Magacdartay Mashruuca MAHIIGAAN 2016, waxaana Macaamiisha Golis uisticmaasha uu u sahlayaa qiimo dhimis xaga inyarnetka ah, iyadoona 90% la dhimay qiimihii Intarnet Mobilka, waxaana sidoo kale Golis ay shaaca ka qaaday inay joojisay khidmadii Macaamiisha Adeega Sahal uu ka goosan jiray ee Gaalkacyo, waxaana la sheegay in dhamaan Puntland Mashruuca Mahiigaan lagi balaarinayo.
Maayeere Ku-xigeenka Golis Gaalkacyo Eng Maxamed Ciise Cismaan ayaa sheegay in Golis Adeegyadaan Cusub ay ugu talo gashay Macaamiisheeda ayna ku farxi doonaan Adeegyada uu Xambaarsanyahay Mashruuca MAHIIGAAN 2016.
Hogaanka Ganacsiga Shirkada Golis Cumar Faaruuq ayaa Faahfaahiyay dhammaan Adeegyada ku jira Mashruuca Mahiigaan ee Shirkada Golis ay ugu talo gashay Macxaamiisheeda.
Mashruuca Mahiigaan ayaa waxaa qayb ka ahaa Intarnet Mobil kii ugu Raqiisanaa ee abid laga hirgaliyo Soomaaliya, oo dhan.
Mashruuca Mahiigaan ee Shirkadda Golis
SHirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia iyadoo tixgelinaysa duruufaha kala duwan ee macaamiisheeda sharafta leh , iyadoo Macaamiisha la wadaagaysa teknoolojiyada iyo fursadaha qaaliga ah ee ay u hayso ,maanta oo taariikhdu tahay 20/01/2016 Arbaco, waxaa sharaf weyn u ah inay soo bandhigto Mashruuca loogu magac daray Mahiigaan , Mashruucani wuxu ka kooban yahay dhiirigelin balaaran oo shirkaddu ugu tala gashay Macaamiisheeda sanadka 2016 , waxaana ka mid ah:
Shirkaddu iyadoo eegaysa duruufaha u gaarka ah Gaalkacyo waxay go’aansatay in laga bilaabo 20/01/2016 khidmad la’aan laga dhigo adeegga Sahal ee magaalada Gaalkacyo
Shirkaddu waxay go’aansatay in laga bilaabo 27/01/2016 ay qiimo jebin 50% ku hadalka Localka ah u samayso Magaalada Gaalkacyo xiliyada tobanka fiidnimo ilaa lixda aroornimo .
Shirkaddu laga bilaabo 20/01/2016 waxay dhintay qiimaha Internet –ka ee Mobilka laga isticmaalo 3G iyo E –da 90% , waxaana halkii MB laga dhigay 1 sent oo keliya, iyadoo ay la socoto waasicin balaaran oo lagu sameeyey teknoolojiyada loo isticmaalo adeegaas , waxayna tani ka dhigaysaa qiimihii ugu jabnaa ee ka hirgala dhulka soomaaliya abid taariikhda .
Shirkaddu waxay hoos u dhigtay 60% khidmadda Sahalka loogu diro Hormuud iyo Telesom , taasoo ah mid aad u jaban tusaale ahaan $1000 waxa raacaya hal dollar oo keliya .waxayna ka bilaabanaysaa 20/01/2016 .
Shirkaddu waxay qiima dhimis 90% ku samaysay adeegga xirmooyinka internet-ka (Bundles) ee Golis laga bilaabo 27/01/2016 taasoo ah mid aad uga sii jaban qiimaha Mobilka , waxayna noqonaysaa in macmiilku kaga kaaftoomo internet kasta oo laga isticmaalo aalad ka baxsan mobilka, xirmooyinkuna waxay ka kooban yihiin Maalinle , todobaadle , iyo bille
Ugu dambayn shirkaddu waxay xaqiijinaysaa hadafkeeda ah in macmiilku adeegyadiisa oo dhan kala macaamilo mobilkiisa (all in one)
Ilaah baa mahad iska leh , Macaamiishayada qaaliga ah ayaa tixgelin mudan.
Mahadsanidin
Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia
The post Shirkadda Golis oo adeeg cusub ku soo bandhigtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.