Xaalada Sowda Cabdi Aadan oo ah lix jir xanuun daran uu ka helay maqaarka jirkeeda iyo wajiga ayaa maalinba maalinta ka danbeysa kasii daraysa, waxaana weli wadnaa olale dhaqaale loogu arriinayo gabadhaasi danyarta ah.
Qoyska Sowda, oo ka kooban lix qof ayaa ku nool kaamka barakacayaasha ee duleedka Bari Garowe, waxayna xanuun sanaysey mudo ka badan saddex sano iyadoo aan helin daryeel caafimaad oo joogto ah iyo in xaalkeeda laga war qabo.
Illaahay ayaa mahada koowaad iska leh oo nala kulan siiyay xaalada qoyskan oo aad u itaal yar, waxaan durba u samayney dhaqaale aruurin dalka iyo dibadda ah, kaasoo socday mudo ka badan soddan cisho, waxaana aniga iyo kooxdeyda oo kala ah Ibraahim Muuse Dahraan Waddani iyo Umul Khayr, shacabka Soomaaliyeed usoo bandhignay nolasha dhabta ah ee qoyskani.
Fadliga alle, iyo dadaal aan samayney ayaa waxaa noo suurta gashay in Gabadhaasi yarta ah u aruurinayo dhaqaale gaaraya $11.302, lacagtaasi oo ay soo diyaar dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddiisa.
Waxaan hadda bilowney Olale lagu doonayo in loogu qaado dalka Hindiya si xaaladeeda oo sii xumaanaysa wax looga qabto, annagoo og in dadka Soomaaliyeed yihiin dad diir naxaya oo leh damiir wanaagsan, asbuucyo ka dib waxaa loo qaadaya wadankaasi, waxaana mahada alle ka dib halkan uga mahad celinayaa umaddii soo caawisey ee muujisey in dadka danyarta ah ay dad lee yihiin.
Wasaradda Caafimaadka gaar ahaan agaasimaha guud Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan warqad naga soo gaartay waxay cadeynaysaa in xaaladeeda aan dalka waxba looga qaban karin una baahan tahay caafimaad dibadda ah, haddaba walaalayaal sidaasi darteed waxaa waajib nagu wada ah inaan garab istaagno qoyskaasi si curadooda loo bad baadiyo, hadda waxaa dalabney Viisaha dalka Hindiya marka uu soo baxana waxaanu dooneynaa in halkaa lagu soo daaweeyo, idinka ILLAAHEY.
Walaalkeyga Muslimka ahoow ama walaasheyda, weli waxaanu wadnaa dhaqaale aruurinta, Sowda Cabdi Aadan, sababtoo ah waxaa laga yaabaa iney ku filaan weydo dhaqaalaha aan hadda u hayno marka loo qaado Hindiya haddaba waxaa rabnaa in lasoo caawiyo qoyskan, waa tijaabo xagga Alle nooga timi.
Waxaan hoos idinku soo gudbinayaa muuqaalka gabadhaan iyo warqadaha cadeynaya dhaqaalaha Gabadhaan loosoo diray ee aanu u heyno.
Fadlan walaal haddii aad dooneyso inaad soo caawiyo ugu soo hagaajiyo wixii illaahey kaasoo qaado Akoonadan hoose ama lasoo xiriir talleefonada hoos ku xusan.
DAHAB SHIIL: GRWD0004738 ama AMAL:-0704046260201. Ama walal soo wac Aabaha dhalay Gabadha Cabdi Aadan 00252907771057
Wariye Cali Cabdi Ducale 00252907749546 ama wariye Ibraahim Muuse Dahraan Wadani 00252907744413 ama.
Waxaad illaahey dartii ula baxdaa maalin aan maanta ahayn ayaad u aayi doontaa.
Cali Cabdi Ducale
The post Xaggee marayaa Tabarucaadka loogu jiro Sowda Cabdi Aadan? appeared first on Puntland Post.