Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamada Gal-mudug oo howlgal ay sameeyn dad kusoo qabtay

$
0
0

Gaalkacyo-(PuntlandPost)- Ciidamada maamulka Gal-mudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa magaalada Galinsoor ee gobolka Gal-gaduud iyo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay kusoo qayb teen rag halkaasi isbaarooyin u yaaleen.

Shacabka ku nool deegaanada u dhaxaysa labada magaalo ayaa dhowr jeer ka cowday isbaarooyin lagu dhibaateeyo oo halkaasi la dhigo.

Saraakiil ka tirsan Gal-mudug ayaa sheegay in howlgalada ay uga jawaabeen qaylo dhaanta kasoo yeertay dadka deegaanka, waxayna xuseen inay ka hortagayaan falalk amaan daro.

Gobolka Gal-gaduud oo ay ka kala taliyaan Ahlusuna iyo Gal-mudug ayaa ah mid dadka ku nool ay inta badan ka cawdaan Amaan daro uga timaada labada dhinac, oo mid walba rabo inuu la wareego gacan ku haynta gobolka.

PuntlandPost.com.

The post Ciidamada Gal-mudug oo howlgal ay sameeyn dad kusoo qabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>