Muqdisho-(PuntlandPost)-Waxaa maanta laga xusaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka,43 sano guuradii kaso wareegtay markii la qoray Afka Soomaaliga,madaxda dowladda ayaa ka qayb galaysa.
Academiyada Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho ayaa lagu qabanaya munaasabada,madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegay inuu furayo,sidoo kale waxaa ka qayb gali doono wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay udiyaar garoobeen qabashada munaasabada,islamarkaana maanta masuuliyiintu ay ka hadli doonaan hormarinta Afka Soomaaliga sanadkan sidii kor loogu qaadi lahaa.
In badan oo ka tirsan dadka Soomaaliyeed kuma baraarugsana 21 January oo ah maalinkii la qoray Afka Soomaaliga,waxayna ahmiyad wey u leedahay dadka ku hadla Afka Soomaaliga.
Magaalooyinka qaarkood iyo maamul goboleedyada dalka kama muuqato qaban qaabada Munaasabada,waxayna tani ku tusaysa ahmiyada aan la siinayn Afka Soomaaliga.
PuntlandPost.com.
The post Magaalada Muqdisho oo la xusayo 43 guuradii kaso wareegtay hirgalinta wargeyska Xidigta Actobar appeared first on Puntland Post.