Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

maamulka deegaanka Kala-bayr oo dowladda ka codsay inay baahiyo jira wax kala qabtaan

$
0
0

Garowe-(PuntlandPost) Deegaanka kala-bayr oo hoostaga degmada Garowe ee gobolka Nugaal,waxay ka cowdeen maamulka Tuuladu in masuuliyiinta dowladda ay kaseexdeen tuulada oo aysan jirin wax dowladda ka qabatay sanadadii dambe.

Gudoomiyaha tuulada Kala-bayr Xasan Salaad Weyrax oo la hadlay Radio Garowe waxaa uu sheegay in degmada Garowe oo tuuladu hoostagto ay san wax kasiin mashaariicda Caasumaddu hesho,isagoo intaa ku daray in kala-bayr ay xaq uleedahay Mashariic Garowe hesho in tuuladuna qayb ka hesho.

Waxaa uu sheegay Xasan in mudadii ay joogeen Xafiiska ay usuurto gashay inay qabtaan,hirgalinta Dugsi sare,qodista Ceel riiga oo mudo bilooyina hada socda,wax kaqabasha xaalufka deegaanka iyo kor uqaadista Caafimaadka,isagoo xusay inuu socda qodista meel War ah oo biyaha lagu kaydin doono,si looga Faa’iidaysto.

Xasan Salaad ayaa carabaabay in duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise “Goodir” uu dhawaan usameeyey balan qaad ku aadan in la qaadi doono Canshuurta Tuulada, si looga baxo baahiyaha hada ka jira deegaanka.

Weyrax ayaa ka codsaday dowladda in Mashaariicda la helo qaybtooda lasoo gaarsiiyo,wuxuuna maamula degmada Garowe ku adkeeyey inay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii.

Halkan ka Dhagayso Codka.

PuntlandPost.com.

The post maamulka deegaanka Kala-bayr oo dowladda ka codsay inay baahiyo jira wax kala qabtaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>