Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay (20/01/2016) la taliyaha arimaha bulshada rayidka ah u magacaabay Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduun). Shiikh Aduun ayaa mudo dheer ahaan jiray weriye ka howl gala degaanada Puntland. Waxa uuna horay u soo qabtay xilal kala duwan oo arimaha bulshada rayidka ah.
Shiikh Aduun oo magacaabistiisa ka dib la hadlay Puntland Post ayaa sheegay in uu dhowaan wadanka iman doono si uu u guda galo howsha loo igmaday.
The post Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduun) oo loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha dhinaca arimaha bulshada rayidka ah appeared first on Puntland Post.