Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo kormeeray xarumaha caafimaadka Bosaso

$
0
0

Bosaso-(PuntlandPost) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa maanta kormeer ku kala bixiyey Xarumaha caafimaadka ee Wasaaradda Boosaaso.

Wasiirka oo kormeerkiisa ka bilaabay Xafiiska Isuduwaha Caafimaadka gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo maamulka waaxyaha ee ka shaqeeya caafimaadka gobolka sida:

Waaxda maamulka iyo maaliyadda.
Waaxda Caafimaadka asaasiga ah.
Waaxda xogta iyo dabagalka cudurada.
Waaxda silsilada qaboojinta talaalka ee gobolka.
Mamulka cafimadka degmada Bosaso.
Waaxda daawada iyo agabka (Supply manager).

Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa sidoo kale waxaa hakaas warbixin ku siiyey Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe,waxayna warbixintan la xiriirtay hab socodka shaqada wasaaradda ee gobolka Bari.

Mudane Siciid Maxamed Waraabe ayaa Xog buuxda ka siiyey Wasiirka sida shaqadu u socoto,waxaana uu sheegay iney wax walba u socdaan sidii loogu talagalay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa tagay Xafiiska Isuduwaha ka dib Xarumaha ay kamid yihiin:

Horesse MCH
MCH ka dhexe ee Centeral
Beeldaaje ,waxayna dhammaantood bixiyaan adeegga Hooyada iyo dhallaanka isla markaana ah xarumaha ay ku dhalaan hooyooyinka uurka leh.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa si gaar ah u booqday xarunta Sheybaarka dhexe halkaas oo si gaar ah loogu baaro laguna daaweeyo bukaanada kaga helo Xanuunada Duumada ama Kaneecada.

Xarunta Sheybaarka sidoo kale waxaa ka socota Cilmi-baaris xaga tayada daawada oo ay sameynayaan shaqaale ka tirsan qeybta Duumada ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka yimid Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Si kastaba Booqashadan kormeer ee Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan,waxaana uu shaqada ay hataan ku ammaanay dhammaan shaqaalihii joogay xarumihii uu soo maray.
MOH (1)

MOH (2)

MOH (3)

MOH (4)

MOH (5)

MOH (8)

MOH (9)

MOH (10)

MOH (12)
Puntland Post

The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo kormeeray xarumaha caafimaadka Bosaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>