Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda FORUM-Syd Oo Garoowe ku daahfurtay Xafiiskeeda Cusub ee Puntland

$
0
0

Hay’adda FORUM-Syd ah oo ah Hay’ad laga leeyahay dalka Sweden, islamarkaasina qorshaheedu yahay inay guud ahaan Soomaaliya xafiisyo ku yeelato ayaa maanta 21 January 2016, waxaa ay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku soo bandhigtay munaasibad ay ku daahfuraysay Xafiiskeeda Puntland.

Munaasibadda daahfurka xafiiska Hay’adda ee Puntland ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee hotelka Rayaan Park ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay kasoo qaybgaleen dad kala duwan oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Ururada bulshada rayidka ah iyo qurbe joog dalka dib ugu soo laabtay.

Dhinaca dowladda Puntland waxaa daahfurka xafiiska FORUM-Syd kasoo qaybgalay Wasiirka arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha dowladda Puntland C/weli Xirsi Cabdulle Indhoguran, Xildhibaano, Agaasimiyeyaal iyo masuuliyiin kale.

Ugu horrayn hay’adda FORUM-Syd waxa ay tahay, qorshaheeda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay dalka ka qaban doonto waxaa sharaxaad ka bixiyey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Axmed Xassan oo isagu dalka dibaddiisa uga yimid sidii uu hay’addaan uga hirgalin lahaa guud ahaan deegaanada Soomaalida.

Axmed Xassan waxaa uu sheegay in Hay’adda FORUM-Syd ay tahay Hay’ad laga lee yahay dalka Sweden ayna ka kooban tahay Ururo isku tagay, ujeedkeeduna uu yahay sidii ay Soomaaliya u taageeri lahayd Ururada bulshada,u doodista dadka nugul, horumarinta Dimoqraadiyadda iyo Xuquuqda aadanaha.

Axmed waxaa uu intaas ku daray in FORUM-Syd ay bishii October ee sanadkii 2015 xafiiskeedii ugu horreeyay ka furatay Magaalada Hargaysa ee Somaliland, hadda ay Garoowe-Puntland ka furteen, sidoo kalena qorshahoodu yahay inay,Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka furtaan Xafiisyo si ay halkaas shaqadooda uga sii wadaan, waxaana uu sheegay inay xoogga saari doonaan sidii ay dadka Soomaaliyeed ula shaqayn lahaayeen, sidoo kalane xuquuqda aadanaha, horumarinta dhallinyarada iyo dimoqraadiyadda ay ka shaqayn doonaan.

Ururada bulshada Puntland sida guddoonka ururada haweenka Puntland, Xildhibaano iyo Qurbe joog ayaa intii munaasibaddu socotay aragtidooda ka dhiibtay Hay’addaan cusub waxaana dhammaantood ay ugu baaqeen inay xoojiso arrimaha qorshaheedu yahay.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo gabagabadii munaasibadda soo xiray ayaa sheegay in ka Puntland ahaan ay ku faraxsan yihiin Hay’addaan cusub ee Puntland xafiiska ka furatay, waxaana uu sheegay inay ka rajaynayaan horumarin isagoo uga digay inay farogalin ku samayso arrimaha Puntland gaarka ah u ah.

Ugu dambayntiina Hay’adda FORUM-Syd iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed, kaas oo ay qalinka si wadajir ah ugu duugeen Madaxa Hay’adda Axmed Xassan iyo Wasiir Axmed

Forum SYD 9 Forum SYD 9_1 Forum SYD 22 Forum SYD 24 Forum SYD 26 Forum SYD 28 Forum SYD 30 Forum SYD 31 Forum SYD 32 Forum SYD 33 Forum SYD 34 Forum SYD 35 Forum SYD 37 Forum SYD 38 Forum SYD 39 Forum SYD 42 Forum SYD 44 Forum SYD 45 Forum SYD 46 Forum SYD 49 Forum SYD 50

The post Hay’adda FORUM-Syd Oo Garoowe ku daahfurtay Xafiiskeeda Cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>