Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud ayaa ilo lagu kalsoon yahay Puntlandpost u xaqiijiyeen in uu maalinimada Berito ah imaanayo Magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Puntland.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Puntlandpost u xaqiijiyey in waftiga Madaxweynaha ay ka kooban yihiin 4 Xillibaan oo kasoo jeeda Puntland, balse magac-yadooda aanu helin,Labo wasiir oo mid yahay wasiirka Maaliyadda, Suxufiyiin ka badan 5 oo ka howl-gala warbaahinta Dowlada iyo kuwa Madaxa banaan ee Muqdisho ku yaal.
Ujeedada Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ee Puntland ku imaanayo ayaan la ogeyn waxa uu la xiriiro, balse warar soo baxaya ayaasheegaya in uu Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed ay ka wada hadli doonaan is wareysi ku aadan xaalada Soomaaliya iyo u diyaar garowga shirka London oo labadoodu-ba ay ka qeyb gali doonaan.
Puntlandpost wali ma helin xog ku saabsan inta ay qaadaneyso booqashada Madaxweynaha ee Garowe, walow ay jiraan warar sheegaya in uu labo cisho sii joogi doono.
Marka loo eego Dadweynaha Magaalada Garoowe caawa kama ay muuqato u diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha, taas oo sida dadka badankiis qabo ku timid saluuga Mujtamaca Somalida qeybo badan oo ka mid ah ay ka muujinayaan, halka uu ka taagan yahay Arrimaha Federaalka , Dhisitaanka Jubballand, iyo Heshiiskii Ankara ee dhawaan.
09 March waxaa safar ku yimid Puntland Ra,iisal Wasaaraha DF Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna Garowe ku saxiixey heshiis dhinacyo badan ka kooban oo saldhigiisu ahaa ku wada shaqeynta hanaanka Federaalka,lamana oga waxay kusoo kordhineyso heshiiskani safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ee Puntland.
Wixii Faahfaahin ah Safarka Madaxweynaha Federaalka ee Garowe iyo Kulamada uu la yeelan doono Madaxda Puntland hadii alle idmo kala soco Shabakada Wararka ee Puntlandpost.com
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmai.com
Puntlandpost_Garoowe.