Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jabuuti oo ciidamo kale usoo dirtay Soomaaliya

$
0
0

Baladweyne(Puntland Post)-dowladda Jabuuti ayaa ciidamo kale usoo dirtay dalka Soomaaliya,waxayna badali doonaan ciidamo horay uga joogay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Cutub ciidamo ah oo ka socday Jabuuti ayey maamulka iyo saraakiilsha gobolka Hiiraan kusoo dhaweeyeen magaalada Baladweyne ee gobolkaasi.

Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamadan ka qayb qaadanayaan xasiloonida gobolka Hiiraan,waxayna tilmaamtay in ciidamada ka jooga gobolkaas ay kasoo bixi doonaan,iyadoo xustay in xiligii loogu talo galay inay joogaan Soomaaliya uu ka dhamaaday.

Dhawaan Ra’iisul wasaare Cumar ayaa ka qayb galay munaasabad lagu sagootinayey ciidamada Jabuuti ee jooga Baladweyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa qayb ka ah howlgalada AMISOM ee Soomaaliya,waxayna joogaan degmada Baladweyne,dowladda fadaraalku ayaa u bixisay ciidamada Jabuuti Hiil walaal.

PUNTLAND POST

The post Jabuuti oo ciidamo kale usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>