Garoowe: (pp)- Waxaa Magaalada Garowe kusoo gabo gaboobey kulamo u dhexeeyey Dowlada Federaalka Somalia iyo Puntland, iyadoona laga soo saarey qodobo labada dhinac ay isku afgarteen.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka dib markii soo dhamaadeen kulamadu si wada jir ah u qabtey shir saxaafadeed ay kaga hadlayaan qodobada kasoo baxay kulankoodii.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed oo ka warbixiyey qodobadii ay isku afgarteen ayaa sheegey inay ka mid yihiin sidan.
In dib u heshiisiinta Soomaaliyeed loo maro wada hadalka Socda.
In la sameeyo Guddi Farsamo oo ay ku wada jiraan Puntland iyo Dowlada Federaalka oo ka shaqeeya Nabad-galyada iyo Mideynta Ciidamada Soomaaliyeed.
In la Ayido Heshiis-yadii horey u dhexmarey Puntland iyo Waftigii Ra,iisal wasaaraha ee Puntland yimid, kuwaas oo lagu sii socodsiinayo sidii horey loogu heshiiyey xag Amni iyo xag dhaqaale.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed waxa uu sheegey in wali ay jiraan qodobo aan la isku afgaran kuwaas oo ay ka mid yihiin sida uu Madaxweynuhu sheegey Wadada loo marayo dhisitaanka Maamul Goboleed-yada oo ah kuwo ilaa iyo hadda lagu kala aragti duwan yahay.
Madaxweyne Faroole waxa uu sheegey inay jirto khiyaano lagu sameeyey Dastuurka qaar ka mid ah qodobadiisa,oo lagu soo darey qodobo aan ku jirin wixii lagu heshiiyey ee dastuurka rasmiga ku qornaa, taasna ay ka wada hadleen Madaxweynaha Federalka iyo Waftigiisa , ayna waajib ka saaran tahay DF ilaalinta sharciga wadanka.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia oo isna ka hadlay shir saxaafadeedka ayaa sheegey in uu dhawaan jirro doono barnaamij lagu dhaqan galinayo qodobadaasi lagu heshiiyey laguna xaqiijinayo hirgalintooda.
Madaxweyne Xasan Shiikh Waxa uu sheegey inay u kuurgali doonaan waxa ka jirra qodobada ama meelaha ay wax ka tilmaamtey Dowlada Puntland ee la sheegey in laga khaldey Dastuurka, isagoona sheegey in Dowlada Somalia gacanta ku hayso uu yahay sida uu u maleynayo midkii lagu heshiiyey ee la ansixiyey.
Dhismaha Maamul Goboleed-yada ayuu sheegey Madaxweyne Xasan Shiikh inay tahay mid dastuuriya, balse u baahan tahay in laga sheekeysto,islamarkaana la iska arko farsamada lagu dhisi karo.
Wuxuuna carabka ku dhuftey inay dhici karto farsamadii dhowr bilood ka hor lagu dhaqaaqey oo inaan maanta sax noqon karin, sidaasna ay ugu baahan tahay in kulamo kale la isaga yimaado .
Xasan Shiikh Maxamud waxa uu sheegey in siyaasada dhismaha maamul goboleedyadu ay ku imaanayso wada tashi iyo wada xaajood,balse aysan ku imaan karin Dagaal,Colaad iyo Qori midna.
Gabo gabadii ayuu sheegey Madaxweyne Xasan shiikh in uu si weyn uga mahad celinayo soo dhaweyntii loogu sameeyey Magaalada Garoowe, isagoona sheegey inaysan maanta oo kaliya noqoneyn imaanshiyahooda.
Wuxuuna sheegey in dhanka kale uu rajeynayo Booqasho iyo Safaro Madaxda Puntland ugu tagaan Magaalada Muqdisho, ayna sidaasi kusii socon doonaan wada hadalada iyo wada shaqeynta labada dhinac.
Garoowe.